ENA - ENA Af-Soomaali
Warka ugu doorka roon
Dadaallada ururinta ajandayaasha iyo doorashada wakiillada qurbajoogta si guul leh ayaa loosoo gabagabeeyey— Komishinka Wadatashiga Qaran ee Itoobiya
Oct 17, 2025 36
Addis Ababa, Dirir 7/2018 (ENA): Komishinka Wadatashiga Qaran ee Itoobiya ayaa sheegay in uu si guul leh loo soo gebagebeeyay hawsha ururinta ajendaha iyo doorashada wakiillada ka socda qurbajoogta Itoobiya. Komishinku wuxuu sheegay in shirar wadatashi ah lagu qabtay meelo ay ka mid yihiin Koonfur Afrika, Waqooyiga Ameerika, Kanada, Imaaraadka Carabta, Iswidhan, iyo Boqortooyada Ingiriiska, kuwaas oo ay ka qayb galeen xubno ka tirsan bulshada Itoobiya ee qurbaha ku nool. Dadka aan awoodin in ay si toos ah uga soo qayb galaan madasha ayaa fursad loo siiyay in ay si khadka internetka ah uga qayb qaataan, sida uu sheegay komishinku. Intii lagu guda jiray kulammadaas, waxaa la qabtay doodaha ku saabsan wada fahamka, ururinta ajendaha, iyo doorashada wakiillada. Komishinku wuxuu sheegay in uu dadaal badan ku bixiyay sidii madashu u noqon lahayd mid furan, ka-qaybgal guud iyo wadar ahaaneed, isla markaana muwaadiniinta Itoobiya iyo jiilalka ka soo jeeda dalka ay si firfircoon uga qayb qaateen, iyagoo adeegsanaya xuquuqdooda rayiga. War-saxaafadeedka komishinka ayaa intaas ku daray in qof walba uu xaq u lahaa ka qaybgalka, xitaa kuwa aan doonayn in ay si toos ah uga soo muuqdaan madasha, ay fursad u heleen in ay fikirkooda iyo talooyinkooda soo gudbiyaan. Ajendayaasha laga soo ururiyay bulshada qurbaha ayaa lagu dari doonaa hannaanka isku-darka ajendayaasha wadatashiga qaran, waxaana wakiillada la soo doortay lagu casuumi doonaa in ay ka qaybgalaan shirweynaha wadatashiga qaran ee la qaban doono gudaha dalka. Komishinku wuxuu xusay in uu faa’iidooyin badan ka helay waayo-aragnimada iyo tusaalooyinka hay’adaha ka shaqeeya nabadda iyo wadahadalka bulshada, kuwaas oo noqon doona qayb muhiim ah oo lagu xoojinayo hawlaha soo socda. Sidoo kale, komishinku wuxuu sheegay in hawlo kale ay socdaan si muwaadiniinta Itoobiya ee ku nool dalal aan weli la gaadhin ay iyaguna u soo gudbiyaan ajendahooda iyo wakiilladooda iyagoo adeegsanaya aaladaha dijitaalka ah. Komishinku wuxuu u mahadceliyay dhammaan qurbajoogta ka qayb gashay wadatashiyada, ururrada bulshada, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, safaaradaha iyo qunsuliyadaha Itoobiya, dawladaha dalalka martida loo ahaa, iyo hay’adaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn ee gacan ka geystay hirgelinta hawshan. Dhanka kale, komishinku wuxuu sheegay in dadaallada lagu bilaabayo wadatashiga deegaanka Tigraay ay si xoog leh u socdaan, iyadoo wadahadallo laba wareeg ah hore ula yeesheen dhinacyada ay khuseyso, lagana shaqeynayo sidii loo abuuri lahaa xaalado fududeynaya bilowga rasmiga ah ee wadatashiga. Ugu dambayn, komishinku wuxuu xaqiijiyay in uu si joogto ah u wado diyaarinta, isku dubbaridka, iyo dhamaystirka ajendayaasha laga soo ururiyay bulshada, taas oo gogol xaaraysa shirweynaha wadatashiga qaran ee la filayo in dhawaan la qabto. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Machadka Isbeddelka Beeraha Itoobiya ayaa abaal-marin caalami ah ka helay FAO
Oct 17, 2025 31
Addis Ababa, Dirir 7/2018 (ENA): Machadka Isbeddelka Beeraha ee Itoobiya (EATI) ayaa la guddoonsiiyay abaal-marin caalami ah oo ay bixiso Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO). Abaal-marintan ayaa lagu maamusay machadka sababo la xiriira doorka muuqda ee ay ka qaadatay hirgelinta qorshayaasha FAO, gaar ahaan dadaalka ay ku xoojinayso horumarinta beeraha waara iyo nolosha miyiga, kor u qaadidda ammaanka cuntada, iyo hal-abuurnimada la xiriirta wax-soo-saarka beeraha. Agaasimaha Guud ee Machadka, Dr. Mandefro Niguse, ayaa abaal-marintan ku guddoomay magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga, halkaas oo uu ku yaallo xarunta dhexe ee FAO. FAO ayaa sheegtay in ay abaal-marintan siisay Itoobiya, maadaama barnaamijka “ Raadka Cagaaran” ee ay dalka ka hirgelisay uu tusaale u yahay hab-maamul wanaagsan oo waara oo lagu maareeyo keymaha iyo horumarinta deegaanka. Munaasabadda lagu bixiyay abaal-marintan ayaa qabsoontay intii lagu guda jiray Shirka Cuntada Adduunka ee FAO oo lagu qabtay magaalada Rooma, iyadoo ay kasoo qaybgaleen madaxda dalal badan iyo hay’ado caalami ah. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Dadaalka Itoobiya ee ku aaddan helitaanka marin badeed waa mid sharci ah, taariikhi ah, oo caddaalad ku dhisan – Dr. Getye Tirfe
Oct 17, 2025 32
Addis Ababa, Dirir 7/2018 (ENA): Khabiirka cilmiga hoggaaminta iyo xiriirka caalamiga ah ee Jaamacadda Unity, Dr. Getye Tirfe, ayaa sheegay in dadaalka ay Itoobiya ku dooneyso inay ku hesho marin badeed uu yahay mid sharci, taariikhi iyo juquraafi ahaan sax ah, isla markaana waafaqsan xeerarka caalamiga ah. Dr. Getye oo la hadlay Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) ayaa sheegay in arrinta marinka badda aysan ahayn mid siyaasadeed ama kicin ah, balse ay tahay arrin nololeed oo masiiri ah oo saameyn ku leh jiritaanka iyo mustaqbalka dalka. Wuxuu xusay in dadaalka Itoobiya lagu qiimeyn karo cabbirro kala duwan sida taariikhda, heshiisyada sharci ee hore, goobta ay dalka ku taallo, iyo shuruucda caalamiga ah, kuwaas oo dhammaantood muujinaya in Itoobiya xaq u leedahay marin badeed. Dr. Getye wuxuu intaas ku daray in dadaalka Itoobiya uu kasbaday aqoonsi iyo taageero caalami ah, maadaama uu ku saleysan yahay wadahadal nabadeed iyo diblomaasiyad xasiloon. Wuxuu sheegay in Itoobiya looga baahan yahay inay sii xoojiso dadaalkan iyadoo adeegsanaysa caddeymo taariikhi ah, sharciyo, iyo wadahadallo nabadeed oo dhisan, si loo gaaro natiijo waarta. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in la fahamsiiyo dalalka deriska ah, Midowga Afrika, IGAD, hay’adaha caalamiga ah, iyo waddamada taageera horumarka wadajirka ah, in mowqifka Itoobiya uu yahay mid xaq ah oo sharciyeysan. Ugu dambayn, Dr. Getye ayaa carrabka ku adkeeyay in helitaanka marin badeed uu yahay furaha horumarinta laba geesoodka ah ee Itoobiya iyo dalalka deriska ah, wuxuuna sheegay in Itoobiya aysan ku raadin doonin badda siyaabo ka baxsan xeerarka iyo rabitaanka shacabka. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Nidaamka Dhaqaale ee Caddaaladda iyo Iskaashiga Wadajirka ah waa in la Xoojiyaa— Axmed Shide
Oct 17, 2025 33
Addis Ababa, Dirir 7/2018 (ENA): Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Axmed Shide, ayaa sheegay in dalalka soo koraya ay tahay in ay si gaar ah xoogga u saaraan dhismaha nidaam dhaqaale oo caddaalad ah, wadaag ah, isla markaana fursad siinaya dhammaan dhinacyada si loo xaqiijiyo sinnaanta iyo horumarka dhaqaale ee waara. Wasiirku wuxuu hadalkan ka jeediyay magaalada Washington DC, halkaas oo uu ka socdo shir sanadeedka Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka. Intii uu shirka socday, wasiirka ayaa ka qaybgalay kulanka 114-aad ee wasiirrada iyo guddoomiyeyaasha bangiyada dhexe ee ka tirsan kooxda dalalka soo koraya ee G-24. Kooxda G-24 waa madal ay ku mideysan yihiin 24 dal oo ku kala yaalla Afrika, Aasiya, Latin America iyo Kariibiyaanka, kuwaas oo iska kaashada arrimaha lacagta iyo horumarinta. Shirka oo ay guddoominaysay Arjentina, ayaa diiradda saaray siyaasad cusub oo lagu dardargelinayo kobaca iyo isbeddelka dhismaha dhaqaale ee dalalka soo koraya. Axmed Shide ayaa sheegay in loo baahan yahay nidaam dhaqaale oo caddaalad ah, furan, isla markaana si dhab ah u maqala metelaadna u siinaya dalalka soo koraya. Wuxuu taageeray baaqa kooxda G-24 ee ku aaddan in dib loo habeeyo qaabka lagu maareeyo deymaha dalalka saboolka ah, gaar ahaan nidaamka ay G-20 ku heshiisay ee lagu yareynayo culayska deynta. Wasiirku wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dalalka saboolka ah la siiyo fursado deyn dheer oo ribo hoose leh, taas oo kor u qaadaysa iskaashiga iyo wada shaqeynta dhinacyada badan. Wuxuu sheegay in dalalka soo koraya ay u baahan yihiin nidaam dhaqaale oo waafaqsan xaaladahooda iyo yoolalka horumarineed ee muddada dheer. Hoggaamiyeyaasha IMF iyo Bangiga Adduunka, Kristalina Georgiefa iyo Anna Bjerde, ayaa amaanay dadaallada kooxda G-24, iyagoo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay xoojiyaan wada shaqeynta iyo taageerada dalalka xubnaha ka ah si loo hubiyo xasilloonida maaliyadeed iyo horumar waara. Wasaaradda Maaliyadda Itoobiya ayaa sheegtay in ay baaq u dirtay bangiyada horumarinta ee caalamiga ah iyo deyn-bixiyeyaasha gaarka loo leeyahay si ay u taageeraan dadaallada kooxda G-24 ee lagu doonayo in lagu dhiso nidaam dhaqaale oo caddaalad ah, waara, isla markaana wax ku ool ah. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Canshuur-bixiyeyaasha daacadda ah, waa tiirka horumarka, koboca, iyo dhismaha mustaqbalka jiilka ee Addis Ababa— Adhaanaj Abebe
Oct 17, 2025 30
Addis Ababa, Dirir 7/2018 (ENA): Canshuur-bixiyeyaasha daacadda ah ayaa door muuqda ka qaadanaya horumarka, koboca iyo dhismaha jiilka cusub ee magaalada ay deggan yihiin, sida ay sheegtay duqa magaalada Addis Ababa, Adhaanaj Abebe. Maamulka magaalada Addis Ababa ayaa qabtay madal abaalmarin ah oo lagu maamuusayo dadka si daacad ah u bixiya canshuurta. Munaasabadda waxaa kasoo qaybgalay Afhayeenka Golaha Federeeshinka Agenyahu Teshaager, Duqa Addis Ababa Adhaanaj Abebe, Afhayeenka Golaha Baarlamaanka Maamulka Magaalada Addis Ababa Buseena Alqadir, Wasiirka Dakhliga Ayinalem Nigusse iyo mas’uuliyiin kale oo sar-sare. Adhaanaj Abebe ayaa mahadnaq u jeedisay dadka bixiya canshuurta oo ku amaantay daacadnimadooda iyo ka qayb qaadashadooda horumarinta magaalada. Waxay sheegtay in dakhliga magaalada uu si weyn u kordhay, iyadoo xustay in sanadkii miisaaniyadda 2010 uu ahaa 33 bilyan oo birr, halka sanadkii 2017 uu gaaray 233 bilyan oo birr. Waxay intaas ku dartay in kobocaas uu muujinayo firfircoonida dhaqaale iyo isbeddel muuqda, isla markaana dakhligaas lagu fuliyay mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin dhismaha waddooyinka, hareeraha wabiyada iyo bilicda magaalada, taasoo Addis Ababa ka dhigtay magaalo soo jiidasho leh. Duqa magaalada ayaa tilmaantay in canshuurta si caddaalad ah loo isticmaalo, iyadoo sanad walba in ka badan 14 bilyan oo birr lagu taageero bulshada dakhligoodu hooseeyo, laguna daryeelo in ka badan hal milyan oo arday oo lagu quudiyo laba jeer maalintii. Ugu dambayn, Adhaanaj Abebe ayaa sheegtay in bixiyeyaasha canshuurta ay yihiin tiirka kobaca magaalada, ayna si daacad ah u gudanayaan waajibaadkooda, taasoo door weyn ka qaadaneysa isbeddelka iyo horumarka jiilka cusub ee magaalada. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Siyaasada

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa ballan qaaday inay xoojinayaan iskaashigooda dhinaca nabadda iyo amniga.
Oct 17, 2025 29
Addis Ababa; Dirir 7/2018 (ENA): Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa ballan qaaday inay xoojinayaan iskaashigooda ku aaddan nabadda iyo amniga. Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa maanta xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa ku qaabilay oo la hadlay xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Guddoomiyaha ayaa xubnaha uga warbixiyay qodobbada muhiimka ah ee uu Midowga Afrika diiradda saarayo, sida nabadda, amniga iyo horumarka. Guddoomiyaha ayaa waxa uu tilmaamay in iskaashiga Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee QM in la xoojiyo iyadoo loo marayo qaab-dhismeedka Ergayga Joogtada ah ee Afrika (A3) u jooga Golaha Amniga ee QM. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in Afrika ay kursi joogto ah ku yeelato Golaha amniga QM. Guddoomiyaha ayaa dib u xasuusiyay qaraarkii Golaha Amniga ee tirsigiisu ahaa 2719 ee ku saabsanaa howlgallada nabad ilaalinta ee Afrikaanka ah, isagoo carabka ku adkeeyay in nabad ilaalintu ay muhiim u tahay xasilloonida waarta ee Afrika. Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyay hoggaanka Midowga Afrika. Xubnahan ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee ku aaddan ajandayaasha Afrika ee danta guud, oo ay ku jiraan nabadda, amniga iyo horumar waara, sida lagu sheegay xog ay ENA ka heshay Midowga. Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta magaalada Addis Ababa uga furmay wada tashigooda wadajirka ah, waxaana dooda ay socon doontaa ilaa berri. #Wakaalladda Wararka_Itoobiya
Waaa in laga shaqeeyaa horumarka loo dhan yahay iyada oo loo marayo horumarka ka gudba xuduudaha - IGAD
Oct 17, 2025 28
Addis Ababa; Dirir 7/2018 (ENA): Urur goboleedka IGAD ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay xoojinta horumarinta xuduudaha iyo isku xirka gobollada. Shirar sanadeedka Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka oo maalmahan ka socday magaalada Washington ee dalka Maraykanka, ayaa socda maalintiisii afaraad. Shir-madaxeedka 26-aad ee Hindisaha Geeska Afrika (HAIR) ayaa lagu soo gebagebeeyey shirka sannadlaha ah, waxaana ka qaybgalayaasha Hindisaha ay qaateen qorshe-hawleed looga shaqrynayo horumarka ka gudba xuduudaha. Waxaa sidoo kale madasha lagaga dhawaaqay hababka maalgelineed ee lagu hirgelinayo qorshe-hawleedkan. Ku xigeenka xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD, Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in IGAD ay ka go’an tahay xaqiijinta in horumarka ka gudba xuduudaha ay laf dhabar u tahay adkeysiga gobolka, kobaca dhaqaalaha iyo isku xirka. Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa wada-hadallo laba geesood ah la yeeshay madax ka kala socotay dalal kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Maaliyadda ee Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya, isagoo dhinaca kalena wada hadallo labada dhinac ah la yeeshay. Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray arrimo sii xoojin kara is-dhexgalka gobolka iyo hadafyada horumarineed ee IGAD, sida lagu sheegay xog ay ENA ka heshay urur goboleedka IGAD. Shirarka sanadlaha ah ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka ayaa socon doona ilaa 8-da bisha Dirir ee sanadkan 2018-ka. #Wakaalladda Wararka_Itoobiya
Kanada waxay sii xoojin doontaa iskaashiga dhaqaale ee ay la leedahay Itoobiya – Nikoolaas Simard
Oct 17, 2025 28
Addis Ababa, Dirir 6/2018 (ENA): Kanada ayaa sheegtay inay sii wadi doonto xoojinta iskaashiga dhaqaale ee kala dhexeeya Itoobiya meelaha kala duwan, sida uu sheegay safiirka cusub ee Kanada ee loosoo magacaabay Itoobiya, Nikoolaas Simard. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, Taaye Asqasilaase, ayaa 4-tii Dirir 2018 ku qaabilay xarunta madaxtooyada safiirro cusub oo dalal kala duwan matalaya, kuwaas oo gudbiyey waraaqahooda safiirnimo. Safiirka Kanada Nikoolaas Simard ayaa ka mid ahaa safiirradaas cusub. Danjirw Nikoolaas ayaa u sheegay wakaaladda wararka Itoobiya (ENA) in Itoobiya iyo Kanada ay leeyihiin xiriir diblomaasiyadeed, dhaqaale, iyo bulsho oo soo jireen ah oo muddo dheer soo jiray. Wuxuu xusay in xiriirka labada dal uu sii fidayo oo korayo waqti ka waqti, isla markaana Kanada ay ka mid tahay saaxiibbada horumarka ee ugu muhiimsan Itoobiya. Safiirku wuxuu intaas ku daray in Kanada ay sii wadi doonto xoojinta iskaashiga ay la leedahay Itoobiya, gaar ahaan dhinacyada duulista hawada, macdanta, waxbarashada, iyo meelo kale oo muhiim ah. Wuxuu ugu dambayn sheegay in labada dal ay si wadajir ah uga shaqeynayaan xasilloonida iyo nabadda Bariga Afrika, isla markaana ay ka go’an tahay inay sii xoojiyaan iskaashigaas mustaqbalka. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Suxufiyiinta Itoobiya waa in ay door ka ciyaaraan ilaalinta danaha qaranka, midnimada bulshada, horumarka iyo wadajirka dalka
Oct 17, 2025 28
Addis Ababa, Dirir /2018 (ENA): Lataliyaha Ra'iisul Wasaaraha ee Arrimaha Bulshada, Mucaasa Tibabaat, Dhiyaaqoon Dhanieel Kibrat, ayaa sheegay in suxufiyiinta Itoobiya looga baahan yahay in ay shaqadooda ku saleeyaan ilaalinta danaha qaranka, xoojinta midnimada ummadda, kobcinta wadajirka iyo dardargelinta horumarka dalka. Hadalkaasi wuxuu ka jeediyay xafladdii lagu daahfurayay Xarunta Horumarinta Warbaahinta Itoobiya, oo lagu qabtay jaamacadda Addis Ababa. Xaruntan waxaa loo sameeyay in ay tababarto suxufiyiinta iyo hay’adaha warbaahinta si ay ula jaanqaadaan baahiyaha xirfadeed iyo teknoolojiyadda cusub ee warbaahinta casriga ah. Dhiyaaqoon Dhanieel ayaa sheegay in suxufiyiinta Itoobiya, ha ahaadeen kuwa dawladeed, gaar loo leeyahay ama kuwa diimeed, aysan kala duwanaan karin marka ay timaaddo difaaca danaha qaranka. Wuxuu xusay in ilaalinta danaha qaranka ay tahay masuuliyad ka saaran dhammaan warbaahinta, isla markaana aanay jirin meel looga baxayo doorkaasi. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in warbaahintu tahay in ay xoojiso midnimada qaranka, wadajirka shacabka, iyo in ay noqoto cod mideeya bulshada, halkii ay noqon lahayd mid kala fogeysa. Wuxuu sidoo kale ku baaqay in suxufiyiintu si miyir leh ugu shaqeeyaan dhiirrigelinta horumarka iyo dhismaha mustaqbalka dalka. Agaasimaha guud ee Hay’adda Warbaahinta Itoobiya, Dr. Saamson Mekonen, ayaa dhankiisa sheegay in warbaahintu ay door muhiim ah ku leedahay horumarinta iyo ilaalinta danaha qaranka, isla markaana xarunta cusub ay kaalin weyn ka qaadan doonto soo saarista suxufiyiin xirfad leh oo daacad u ah dalkooda. Wuxuu intaas ku daray in xarunta lagu dhisay xirfado adag iyo teknoolojiyad casri ah, isla markaana ay si dhow ula shaqayn doonto jaamacadaha iyo hay’adaha siyaasadd dejinta, si loo helo nidaam warbaahineed oo anshax leh oo waxtar u leh dalka. Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Afhayeenka Golaha Wakiilada Shacabka Taagasa Jaafo, madax sare oo ka tirsan dowladda federaalka, madaxda warbaahinta, iyo maamulka jaamacadda Addis Ababa. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Warbaahinta waa inay si dhab ah u gutaan kaalintooda ilaalinta danaha qaranka iyo bulshada – Taagasa Jaafo
Oct 17, 2025 31
Addis Ababa, Dirir 6/2018 (ENA): Afhayeenka Golaha Wakiilada Shacabka, Taagasa Jaafo ayaa sheegay in warbaahinta ay waajib ku tahay in ay si habboon u gutaan kaalintooda ilaalinta danaha qaranka iyo bulshada. Wuxuu xusay in dowladda ay waddo dib-u-eegisyo sharci iyo nidaamyo lagu ballaarinayo warbaahinta. Munaasabadda daahfurka xarunta “Xarunta Horumarinta Warbaahinta Itoobiya” oo lagu qabtay jaamacadda Addis Ababa ayaa lagu sheegay in xaruntani ay ujeeddadeedu tahay in la dhiso awoodda xirfadeed ee suxufiyiinta iyo hay’adaha warbaahinta si ay ula jaanqaadaan isbeddelka tiknoolajiyada iyo baahida warbaahinta casriga ah. Xaruntan oo kaashanaysa Jaamacadda Addis Ababa ayaa bixin doonta tababaro la xiriira anshaxa suxufiyadda, sharciyada warbaahinta, iyo arrimo kale oo ku saabsan ilaalinta danaha qaranka. Taagasa Jaafo, ayaa sheegay in warbaahintu ay door weyn ka ciyaarto dhisidda nabadda iyo beddelidda fikirka bulshada, iyada oo soo gudbinaysa xog dhab ah oo waxtar leh. Dowladdu waxay sheegtay inay kor u qaaday tirada iyo noocyada warbaahinta iyadoo la hagaajiyay sharciyada iyo habraacyada, taasoo qayb ka ah dadaalka lagu ballaarinayo warbaahinta dalka. Warbaahinta Itoobiya ayaa lagu boorriyay in ay door firfircoon ka qaataan horumarinta iyo barwaaqada dalka, balse afhayeenku wuxuu sheegay in faafitaanka warbaahinta casriga ah uu sidoo kale keenay caqabado, sida faafinta warar been ah iyo hadallo naceyb ah oo wax u dhimi kara bulshada. Sidaas awgeed, wuxuu ku boorriyay warbaahinta inay si xirfad leh oo anshax leh u gutaan waajibaadkooda ilaalinta danaha qaranka iyo bulshada. Waxaa kale oo uu xusay in xarunta horumarinta warbaahintu ay kaalin weyn ka qaadan doonto dhisidda nidaam warbaahineed oo anshax leh oo dalka u adeega. Xafladda furitaanka xarunta waxaa ka qaybgalay Wasiirka Adeega Xidhiidhka Dawladda Inaatalam Melese, Lataliyaha Ra'iisul Wasaaraha ee Arrimaha Bulshada, Mucaasa Tibabaat, Dhiyaaqoon Dhanieel Kibrat, Dr. Biqila Hurisa oo ah madaxa xiriirka arrimaha bulshada iyo dibadda ee xisbiga Barwaaqo, Dr. Saamson Mekonen oo ah agaasimaha guud ee hay’adda warbaahinta Itoobiya, Dr. Samuel Kifle oo ah Kusimaha madaxweynaha Jaamacadda Addis Ababa, madaxda warbaahinta iyo marti sharaf kale. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Itoobiya luminta marin badeedka ayaa ku yimid dayacaad maamulkii xilligaas iyo inaan jiilka xiga laga fekerin — Khubaro
Oct 17, 2025 30
Addis Ababa, Dirir 6/2018 (ENA): Khubaro ku xeel dheer cilmiga siyaasadda iyo arrimaha Geeska Afrika ayaa sheegay in Itoobiya ay lumisay marin-badeedkeedii sababo la xiriira dayacaad iyo qorshe siyaasadeed oo dad samee ah, taas oo keentay in jiilalka dambe ay dhibaato ka dhaxlaan. Khubaradan, oo la hadlay Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA), ayaa tilmaamay in luminta marin badeedku ay ahayd arrin murugo leh, ayna ka dhalatay fashil hoggaamineed iyo la’aanta qorshe qaran oo mideeya danaha dalka. Brof. Dhaawiit Mesgebe, oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Dilla, isla markaana ah cilmi-baare ku takhasusay siyaasadda Geeska Afrika, ayaa sheegay in Itoobiya ay lumisay marin-badeedkeedii iyadoo aysan jirin sabab sharci ah ama dabiici ah oo keentay, balse ay sabab u ahayd daciifnimadii iyo qaladaadkii maamulka waqtigaas. Wuxuu intaas ku daray in helitaanka marin badeed aysan ahayn arrin siyaasadeed oo keliya, balse uu leeyahay faa’iidooyin dhaqaale, istiraatiiji, iyo horumarineed oo waaweyn, kuwaas oo muhiim u ah isku xidhka bulshooyinka iyo iskaashiga gobolka. Dhankiisa, Brof. Mulu Alem Haylemariyam oo ka tirsan Jaamacadda Wajaamo, ayaa sheegay in codsiga Itoobiya ee ku aaddan helitaanka marin badeed uu haysto taageero ballaaran oo shacabka ah, maadaama uu yahay mid ku saleysan maslaxadda guud ee qaranka, isla markaana aan ku xaddidnayn dano xisbi ama dowladeed. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in waddamo kale oo gobolka ah ay si wanaagsan u fahmeen baahida Itoobiya, isla markaana ay jiraan tusaalooyin muujinaya in arrintaas loo wajahayo si diblomaasiyad leh iyo wada-hadal. Khubaradu waxay ku booriyeen dowladda in ay sii waddo dadaallada ay ku raadineyso marin badeed, iyadoo ilaalinaysa xiriirka wanaagsan ee ay la leedahay waddamada deriska ah iyo kuwa saameynta caalamka leh. Waxay sheegeen in Itoobiya ay tahay dal leh taariikh dheer, dad tiro badan, iyo awood dhaqaale oo soo koraysa, sidaas darteedna aysan macquul ahayn in waddan noocaas ah uusan lahayn marin badeed. Ugu dambayn, khubaradu waxay xuseen in rabitaanka helitaanka marin badeed uu si qoto dheer ugu jiro qalbiga shacabka Itoobiya, isla markaana uu yahay arrin sii jiri doonta ilaa xal waara laga gaadho. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Arrimaha Bulshada
Waxaa lagu dadaalayaa in taageerada iyo jawaabaha la siiyo muhaajiriinta lagu hago qorshe istiraatiiji ah si ay u noqdaan kuwo wax ku ool ah
Oct 17, 2025 42
Addis Ababa, Dirir 7/2018 (ENA): Wasiiru Dowlaha Haweenka iyo Arrimaha Bulshada ee dalka, Xuriya Cali, ayaa sheegtay in dowladdu ay ku dadaalayso in taageerada iyo jawaabaha la siiyo muhaajiriinta lagu hago qorshe istiraatiiji ah si ay u noqdaan kuwo wax ku ool ah. Waxay sheegtay in dowladda Itoobiya ay waddo dadaallo badan oo u suurtagelinaya muwaadiniinteeda inay si sharci ah dibadda u aadaan, isla markaana kuwa dalkooda jooga lagu dhiirigeliyo inay halkaa ku shaqeystaan. Waxaa sidoo kale la daahfuray qorshe istiraatiiji ah oo shan sano ah oo diiradda saaraya maareynta socdaalka si sharci ah, ilaalinta dadka iyo abuuridda fursado gudaha dalka ah. Qorshahan ayaa laga hirgeliyay iskaashi u dhexeeya dowladda Itoobiya iyo Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM). Xuriya Cali ayaa sheegtay in xarumo taageero iyo jawaab celin ah oo loogu talagalay muhaajiriinta la aasaasayo, iyo in barnaamijyo bulsho oo ka qaybqaata taageerada muhaajiriinta la fulinayo. Waxay sheegtay in muwaadiniinta si sharci darro ah uga baxa dalka ay wajahaan dhibaatooyin badan, isla markaana qorshahan cusub uu gacan ka geysan doono xallinta dhibaatooyinkaas. Qorshaha istiraatiijiga ah ayaa diiradda saaraya abuuridda xaalado ammaan ah oo lagu shaqeysto gudaha dalka, fududeynta socdaalka sharci ah, iyo ilaalinta nolosha iyo ammaanka muhaajiriinta. Waxaa sidoo kale lagu sheegay in xoogga la saarayo ka hortagga socdaalka aan sharci ahayn, iskuxidhka qoysaska ay kala geeyeen socdaallada aan sharci ahayn, iyo ilaalinta muwaadiniinta Itoobiya ee dibadda ku sugan. Abraham Ayalew oo ah madaxa Xoghaynta Iskaashiga Qaranka ee Socdaalka ee Wasaaradda Caddaaladda ayaa sheegay in dadaal xooggan la gelinayo ka hortagga socdaalka aan sharci ahayn, isla markaana la hagaajinayo adeegyada iyo isla xisaabtanka hay’adaha ka shaqeeya arrimaha socdaalka. Abibatu Wane oo ah wakiilka Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ee Itoobiya ayaa sheegtay in qorshahan istiraatiijiga ah uu si gaar ah diiradda u saarayo badbaadinta nolosha muwaadiniinta ku lugta leh socdaalka aan sharciga ahayn, iyo kor u qaadista socdaalka sharciga ah. Ugu dambayntii, waxay intaas ku dartay in arrimaha muhaajiriinta ay yihiin mas’uuliyad wadajir ah, ayna sii wadi doonaan iskaashiga ay la leeyihiin dowladda Itoobiya. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Diri Dhaba ayaa dadaal ugu jirta hirgelinta magaalo casri ah iyo ballaarinta adeegga “Mesob‐ Halgoob”
Oct 17, 2025 31
Addis Ababa, Dirir /2018 (ENA): Duqa Ismaamulka Magaalada Diri Dhaba, Khadiir Juhaar, ayaa sheegay in dadaallo xooggan socdaan si loo xaqiijiyo qorshaha “ Diri Dhaba Casri ah” oo lagu dhisayo magaalo dijitaal ah, isla markaana lagu ballaarinayo adeegga “Mesob‐ Halgoob” si tayo iyo baaxadba leh. Waxaa la dhigay dhagax-dhiggay xarunta tababarka iyo waxbarashada ICT ee laga dhisayo Kuliyadda Farsamada ee Diri Dhaba. Dhagax-dhiggan waxaa ka qayb galay Duqa Ismaamulka Magaalada Diri Dhaba, Khadiir Juhaar, Ku-xigeenka Duqa ahna, ahna Wakiilka Dowladda ee Golaha Baarlamaanka, Ibrahim Yusuf, iyo xubno kale oo ka tirsan golaha kaabineetka. Duqa ayaa sheegay in xaruntan cusub ay door muhiim ah ka ciyaari doonto hirgelinta qorshaha Diri Dhaba Casri ah, oo lagu hormarinayo adeegyada dijitaalka ah iyo maamulka magaalada. Sidoo kale, xaruntan ayaa lagu sheegay inay gacan weyn ka geysan doonto kor u qaadidda tayada iyo helitaanka adeegyada “Xarunta adeegga Mesob‐ Halgoob”, oo bixisa adeegyo dowladeed oo hal meel laga helo. Dhismaha xaruntan oo leh shan dabaq ayaa lagu wadaa in lagu dhameeyo 14 bilood gudahood, iyadoo lagu fulinayo si tayo leh iyo kormeer adag. Mas’uuliyiinta kale ee goobta ka hadlay, oo ay ka mid yihiin Ibrahim Yusuf, ayaa sheegay in xaruntani ay qayb weyn ka qaadan doonto safarka dijitaalka ah ee Diri Dhaba, isla markaana ay dhisi doonto jiil aqoon iyo xirfad u leh hal-abuurka tignoolajiyadda. Maareeyaha Kuliyadda, Saalaxudiin Cabdixamiid, ayaa sheegay in xarunta ay ka koobnaan doonto 42 qol, oo ay ku jiraan xarumo koombiyuutar, qolal cilmi-baaris iyo waxbarasho, studio naqshadeyn, hool shirarka, iyo maktabad dijitaal ah. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Itiyo-Telekom ayaa soo bandhigtay adeeg cusub oo lagu magacaabo “The Nexus” si loo fududeeyo helitaanka internet-ka
Oct 17, 2025 40
Addis Ababa, Dirir 7/2018 (ENA): Shirkadda Itiyo-Telekom ayaa si rasmi ah u daahfurtay adeeg cusub oo lagu magacaabo “The Nexus”, kaas oo lagu sheegay inuu fududeynayo helitaanka adeegga internet-ka ee dalka. Maareeyaha guud ee Itiyo-Telekom, Frehiwot Taamru, ayaa sheegtay in shirkaddu hadda leedahay 85.9 milyan oo macaamiil, balse kaliya 47 milyan oo ka mid ahi ay isticmaalaan internet-ka. Waxay tilmaantay in inkastoo ay jiraan sababo kala duwan oo tan keenaysa, haddana midka ugu weyn uu yahay qiimaha sarreeya ee qalabka la adeegsado, sida taleefannada casriga ah iyo kombiyuutarrada. Si arrintan loo xalliyo, Itiyo-Telekom ayaa soo saartay adeeggan “The Nexus,” kaas oo dadka u suurtagelinaya inay helaan qalab casri ah sida telefoonnada smart-ka ah, laptops, tablets, iyo kombiyuutarada miiska (desktop) oo lagu iibinayo qiimo jaban. Macaamiisha adeeggan isticmaasha ayaa awoodi doona inay si toos ah ugu xirmaan adeegga cloud ee Itiyo-Telekom, taas oo u sahlaysa inay helaan internet tayo leh. Waxaa intaas dheer in shirkaddu sheegtay in adeeggan uu door muhiim ah ka ciyaari doono kobcinta adeegyada dijitaalka ah ee dalka, gaar ahaan kuwa ku saabsan beeraha, maaliyadda dijitaalka ah, waxbarashada iyo adeegyada dowladda, kuwaas oo si isa soo taraysa ugu wareegaya internet-ka. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Bulshada ayaa lagu wargeliyey inay ka feejignaato khiyaamooyinka lagu sameeyo baraha bulshada
Oct 17, 2025 30
Addis Ababa, Dirir 7/2018 (ENA): Adeegga Ammaanka Maaliyadeed ayaa sheegay inuu wado shaqo lagu ogaanayo laguna qabanayo kooxaha ku lugta leh dambiyada khiyaamada ee lagu fuliyo baraha bulshada. Waxaa la sheegay in qaar ka mid ah dadka khiyaamada ku lugta leh ay si sharci darro ah u galaan taleefoonnada dadka kale iyaga oo aan fasax ka haysan, kadibna ay ka xadaan xogtooda gaarka ah ee ku jirta baraha sida WhatsApp iyo Telegram, si ay ugu isticmaalaan ujeeddo khiyaano oo ay lacag uga helaan. Kaddib marka ay akoonnada dadkaasi la wareegaan, waxay u diraan fariimo been ah ehelada, saaxiibbada, iyo asxaabta shaqada oo ay u sheegayaan inay dhibaato ku jiraan, si ay lacag ugu diraan akoon bangi oo hore loo diyaariyey. Adeegga Ammaanka Maaliyadeed ayaa sheegay inuu si dhow ula shaqeynayo hay’adaha khuseeya si dadka ku lugta leh dambiyadaas loo aqoonsado oo loo horgeeyo cadaaladda. Bulshadana waxaa lagu booriyey inay ka digtoonaadaan fariimaha lacagaha lagu codsanayo, oo ay xaqiijiyaan runta iyo asalka fariinta ka hor inta aysan jawaab bixin ama lacag dirin, iyo sidoo kale inay raacaan digniinaha iyo fariimaha wacyigelinta ee ay soo saaraan hay’adaha rasmiga ah. Waxaa kale oo lagu dhiirrigeliyey in haddii qof la khiyaameeyo ama isku day lagu sameeyo, arrintaas degdeg loogu wargeliyo hay’adaha amniga. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Dhaqaalaha
Nidaamka Dhaqaale ee Caddaaladda iyo Iskaashiga Wadajirka ah waa in la Xoojiyaa— Axmed Shide
Oct 17, 2025 33
Addis Ababa, Dirir 7/2018 (ENA): Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Axmed Shide, ayaa sheegay in dalalka soo koraya ay tahay in ay si gaar ah xoogga u saaraan dhismaha nidaam dhaqaale oo caddaalad ah, wadaag ah, isla markaana fursad siinaya dhammaan dhinacyada si loo xaqiijiyo sinnaanta iyo horumarka dhaqaale ee waara. Wasiirku wuxuu hadalkan ka jeediyay magaalada Washington DC, halkaas oo uu ka socdo shir sanadeedka Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka. Intii uu shirka socday, wasiirka ayaa ka qaybgalay kulanka 114-aad ee wasiirrada iyo guddoomiyeyaasha bangiyada dhexe ee ka tirsan kooxda dalalka soo koraya ee G-24. Kooxda G-24 waa madal ay ku mideysan yihiin 24 dal oo ku kala yaalla Afrika, Aasiya, Latin America iyo Kariibiyaanka, kuwaas oo iska kaashada arrimaha lacagta iyo horumarinta. Shirka oo ay guddoominaysay Arjentina, ayaa diiradda saaray siyaasad cusub oo lagu dardargelinayo kobaca iyo isbeddelka dhismaha dhaqaale ee dalalka soo koraya. Axmed Shide ayaa sheegay in loo baahan yahay nidaam dhaqaale oo caddaalad ah, furan, isla markaana si dhab ah u maqala metelaadna u siinaya dalalka soo koraya. Wuxuu taageeray baaqa kooxda G-24 ee ku aaddan in dib loo habeeyo qaabka lagu maareeyo deymaha dalalka saboolka ah, gaar ahaan nidaamka ay G-20 ku heshiisay ee lagu yareynayo culayska deynta. Wasiirku wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dalalka saboolka ah la siiyo fursado deyn dheer oo ribo hoose leh, taas oo kor u qaadaysa iskaashiga iyo wada shaqeynta dhinacyada badan. Wuxuu sheegay in dalalka soo koraya ay u baahan yihiin nidaam dhaqaale oo waafaqsan xaaladahooda iyo yoolalka horumarineed ee muddada dheer. Hoggaamiyeyaasha IMF iyo Bangiga Adduunka, Kristalina Georgiefa iyo Anna Bjerde, ayaa amaanay dadaallada kooxda G-24, iyagoo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay xoojiyaan wada shaqeynta iyo taageerada dalalka xubnaha ka ah si loo hubiyo xasilloonida maaliyadeed iyo horumar waara. Wasaaradda Maaliyadda Itoobiya ayaa sheegtay in ay baaq u dirtay bangiyada horumarinta ee caalamiga ah iyo deyn-bixiyeyaasha gaarka loo leeyahay si ay u taageeraan dadaallada kooxda G-24 ee lagu doonayo in lagu dhiso nidaam dhaqaale oo caddaalad ah, waara, isla markaana wax ku ool ah. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Canshuur-bixiyeyaasha daacadda ah, waa tiirka horumarka, koboca, iyo dhismaha mustaqbalka jiilka ee Addis Ababa— Adhaanaj Abebe
Oct 17, 2025 30
Addis Ababa, Dirir 7/2018 (ENA): Canshuur-bixiyeyaasha daacadda ah ayaa door muuqda ka qaadanaya horumarka, koboca iyo dhismaha jiilka cusub ee magaalada ay deggan yihiin, sida ay sheegtay duqa magaalada Addis Ababa, Adhaanaj Abebe. Maamulka magaalada Addis Ababa ayaa qabtay madal abaalmarin ah oo lagu maamuusayo dadka si daacad ah u bixiya canshuurta. Munaasabadda waxaa kasoo qaybgalay Afhayeenka Golaha Federeeshinka Agenyahu Teshaager, Duqa Addis Ababa Adhaanaj Abebe, Afhayeenka Golaha Baarlamaanka Maamulka Magaalada Addis Ababa Buseena Alqadir, Wasiirka Dakhliga Ayinalem Nigusse iyo mas’uuliyiin kale oo sar-sare. Adhaanaj Abebe ayaa mahadnaq u jeedisay dadka bixiya canshuurta oo ku amaantay daacadnimadooda iyo ka qayb qaadashadooda horumarinta magaalada. Waxay sheegtay in dakhliga magaalada uu si weyn u kordhay, iyadoo xustay in sanadkii miisaaniyadda 2010 uu ahaa 33 bilyan oo birr, halka sanadkii 2017 uu gaaray 233 bilyan oo birr. Waxay intaas ku dartay in kobocaas uu muujinayo firfircoonida dhaqaale iyo isbeddel muuqda, isla markaana dakhligaas lagu fuliyay mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin dhismaha waddooyinka, hareeraha wabiyada iyo bilicda magaalada, taasoo Addis Ababa ka dhigtay magaalo soo jiidasho leh. Duqa magaalada ayaa tilmaantay in canshuurta si caddaalad ah loo isticmaalo, iyadoo sanad walba in ka badan 14 bilyan oo birr lagu taageero bulshada dakhligoodu hooseeyo, laguna daryeelo in ka badan hal milyan oo arday oo lagu quudiyo laba jeer maalintii. Ugu dambayn, Adhaanaj Abebe ayaa sheegtay in bixiyeyaasha canshuurta ay yihiin tiirka kobaca magaalada, ayna si daacad ah u gudanayaan waajibaadkooda, taasoo door weyn ka qaadaneysa isbeddelka iyo horumarka jiilka cusub ee magaalada. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Canshuur bixiyeyaasha daacadda ah ayaa kaalin weyn ka qaadanaya horumarinta Addis Ababa – Aganyahu Tashaagar
Oct 17, 2025 28
Addis Ababa, Dirir 7/2018 (ENA): Aganyahu Tashaagar, afhayeenka Golaha Federeeshinka, ayaa sheegay in canshuur bixiyeyaasha daacadda ah ay door muhiim ah ka ciyaareen in magaalada Addis Ababa dib u soo noolaato, isla markaana ay noqoto tusaale u taagan magaalooyinka Afrika. Magaalada Addis Ababa ayaa qabanqaabisay munaasabad lagu maamuusayay canshuur bixiyeyaasha daacadda ah, iyadoo lagu ammaanay kaalintooda ku aaddan kor u qaadista dhaqaalaha dalka iyo fulinta qorshayaasha horumarineed ee qaranka. Aganyahu ayaa sheegay in dowladda federaalka iyo tan magaalada Addis Ababa ay si joogto ah u xoojinayaan awoodda ururinta canshuurta, taasoo suurto galinaysa in bulshada si cadaalad ah uga faa’iiddo mashaariicda horumarineed. Wuxuu tilmaamay in canshuur bixiyeyaasha daacadda ahi ay door muhiim ah ka ciyaaraan abuurista fursadaha shaqo, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta magaalooyinka. Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in is-kaashiga ka dhexeeya hay’adaha ururiya canshuuraha iyo ganacsatada uu muhiim u yahay in la gaaro yoolka ah in Addis Ababa noqoto magaalo hormuud u ah qaaradda Afrika. Wuxuu xusay in dib-u-habeynta nidaamka canshuuraha ay horseeday kororka dakhliga dowladda iyo dardargelinta adeegyada bulshada. Ugu dambeyntii, Aganyahu wuxuu ku baaqay in si wadajir ah loo sii xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo Addis Ababa, loona hubiyo in canshuur bixiyeyaasha ay helaan adeegyo tayo leh iyo nidaam daahfuran oo caddaalad ah. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Korodhka boqolkiiba 50 ee kootada IMF ayaa door wanaagsan ku leh xoojinta shabakadda badbaadada maaliyadeed ee caalamiga ah
Oct 17, 2025 30
Addis Ababa; Dirir 7/2018 (ENA): Guddoomiyaha Bangiga Qaranka Itoobiya, Dr. Iyoob Tekaliny (Dr.), ayaa sheegay in kororka 50 boqolkiiba ee kootada IMF ay door wanaagsan ka qaadaneyso xoojinta shabakadda badbaadada maaliyadda adduunka. Waxa uu sheegay in Bangiga Qaranka Itoobiya uu soo dhaweynayo tallaabada uu qaaday, isagoo garwaaqsaday inay tahay tallaabo wanaagsan oo gacan ka geysan doonta xaqiijinta helitaanka kheyraadka dalalka xubnaha ka ah. Guddoomiyaha Bankiga Qaranka ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeedinayay Shirka ururka Afrika ee Saddexaad oo lagu qabtay magaalada Washinton ee dalka Mareykanka, kaasi oo dhinac socday shirarka sannadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka ee Dirir 2025-ka. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ku baaqay in la dardargeliyo dib u habeynta qoondada IMF. Dr. Iyoob, ayaa hadal uu madasha ka jeediyay ku sharaxay in tallaabadan ay barbar socoto dib u habeynta kootada waqtigeeda ku habboon oo si wanaagsan uga tarjumaysa xaaladda dhaqaale ee caalamka ee hadda taagan. Wuxuu xusay in kororka kootada iyo in si degdeg ah loo hirgeliyo ay tahay mid la aqbali karo, balse loo baahan yahay in si deg deg ah loo saxo kootada. Waxa uu sharaxay in IMF ay tahay saaxiib la isku halayn karo oo ka mid ah shabakada badbaadada maaliyadeed ee caalamiga ah ee dhaqaale badan oo Afrikaan ah oo ay ku jirto Itoobiya, dib u dhaca ku yimaada dib u habeynta kootada ayaa ka hor istaagi doonta wadamadan in ay helaan taageerada ay u baahan yihiin si ay uga gudbaan xaaladaha caalamiga ah ee marwalba isbedela. Guddoomiyaha ayaa mar uu ka hadlayay heshiiska ku saabsan ilaalinta saamiga kootada ee dalalka soo koraya, waxa uu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in wax laga qabto matalaad xumida dalalka soo koraya ee qaabka hadda jira. Sidaa darteed, waxay sidoo kale ugu baaqay in mudnaan la siiyo dalalka aan mateli karin sida Itoobiya mustaqbalka hagaajinta kootada si loo xaqiijiyo hannaan maaliyadeed oo caalami ah taas oo ku salaysan cadaalad iyo sinnaan . #Wakaalladda Wararka_Itoobiya
Sayniska Iyo Teknoloojiyada
Isbeddelka casriga ah ee Dijitaalka fursad gaar ah ayuu u yahay inuu beddelo taariikhda Dhaqaalaha Afrika – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)
Oct 11, 2025 77
Addis Ababa, Kodxin/Maskaram 29/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa sheegay in isbeddelka dijitaalka ahi uu Afrika u yahay fursad gaar ah oo lagu beddeli karo taariikhda dhaqaalaha qaaradda. Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hadalkan ka sheegay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kaga qaybgalay shir madaxeedka 24aad ee COMESA oo cinwaankiisu ahaa “In la Adeegsado Dijitalaynta si loo Kordhiyo Qiimaha Silsiladda Soo Saarista una Adeego Koboc Waara iyo Ka-qaybgalka Dhammaan.” Ra’iisul Wasaare Abiy, oo fariin uu ku daabacay bartiisa baraha bulshada, ayaa xusay in isbeddelka dijitaalka ahi uu yahay fursad taariikhi ah oo Afrika u saamaxaysa inay dib u qorto sheekada dhaqaalaha qaaradda. Waxa uu sheegay in Afrika ay leedahay awoodda iyo aasaaska lagu mideyn karo dadaallada dalalka iyo lagu dardargelin karo iskaashiga dhaqaale ee joogtada ah. Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa tilmaamay in Itoobiya ay qaaday tallaabooyin muuqda oo lagu kobcinayo awoodda dijitaalka ee lagu dhisayo kaabayaasha lagama maarmaanka ah, isagoo intaas ku daray in dalku diyaar u yahay inuu si wadajir ah uga shaqeeyo horumarinta suuq dijitaal ah oo mideeya dalalka gobolka. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Dalalka Afrika waa inay dhistaan nidaam ay ku maamulaan tiknoolajiyada ee ay ka keenaan dalalka dibadda
Oct 4, 2025 125
Addis Ababa, Kodxin/Maskaram 24/2018 (ENA): Isbahaysiga Cuntada Afrika ayaa sheegay in waddamada Afrika looga baahan yahay inay dhistaan nidaam ay iyagu ku hoggaaminayaan isticmaalka tiknoolajiyada, si ay u ilaashadaan madaxbannaanida xogta iyo hantidooda dabiiciga ah. Waxaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda dhisidda nidaam xogeed oo qarameed si loo hubiyo madax-bannaanida macluumaadka Afrika. Tiknoolajiyada casriga ah waxaa loola jeedaa isku xirka nolosha sida dhirta, xoolaha, iyo noolaha kale iyo tignoolajiyada dijitaalka ah ee xogta kaydisa oo falanqeysa. Shir cilmi-baaris ah oo ku saabsan “Dijitaalka” ayaa ka socda Addis Ababa, kaas oo ay si wadajir ah u qabanayaan Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Itoobiya iyo Isbahaysiga Madaxbannaanida Cuntada Afrika. Inta lagu guda jiro shirka, Dr. Miliyoon Belaay, oo ah madaxa isbahaysiga, ayaa sheegay in in ka badan 50 dal oo Afrika ah ay hadda bilaabeen inay fahmaan muhiimadda nidaamka tignoolajiyada casriga ah. Waxaa la xusay in nidaamkan uu awood u siinayo in xogta la xiriirta noocyada dalagyada iyo hiddaha dhirta loo beddelo xog dijitaal ah. Si kastaba ha ahaatee, khubaro ayaa ka digay in xogta hantida dabiiciga ah ee Afrika ay halis ugu jirto inay gacanta u gasho hay’ado shisheeye haddii aan nidaam qaran la dhisin. Tiknoolajiyada casriga ah waa cilmiga isku dara tignoolajiyada iyo hantida dabiiciga ah. Inkasta oo uu leeyahay faa’iidooyin waaweyn, haddana khubaradu waxay sheegeen inuu keeni karo saameyn togan iyo mid taban oo ku timaada nidaamka beeraha Afrika. Sidaas darteed, dalalka Afrika waa inay yeeshaan awood ay iyagu ku maamulaan tiknoolajiyada noocan ah. Dr. Mamadou Goytaa, oo ah agaasimaha Machadka Cilmi-baarista iyo Fursadaha Horumarinta Afrika, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhiso nidaam qiimeeya oo maamula tiknoolajiyada ee loo soo dejiyo Afrika, iyadoo la kaashanayo Midowga Afrika iyo ururrada Pan-African. Barbara Nathamwirweki, oo ka socota Machadka Qiimeynta Tiknoolajiyada Afrika, ayaa sheegtay in Afrika ay u baahan tahay inay horumariso awoodda hal-abuurka tignoolajiyada cusub ee ku saleysan deegaanka iyo beeraha. Sabrina Masingila, oo ah khabiir ka tirsan Ururka Caalamiga ah ee Horumarinta, ayaa sheegtay in isticmaalka garaadka macmalka ah (AI) ee la xiriira xakamaynta hiddaha iyo noocyada dabiiciga ah uu khatar weyn ku yahay amniga cuntada iyo noocyada dabiiciga ah ee Afrika. Waxay xustay in la dhiso nidaam xogeed xooggan oo ilaalin kara noocyada dabiiciga ah iyo aqoonta dhaqameed, si mustaqbalka cuntada iyo nidaamyada hiddaha Afrika loo ilaaliyo. Jim Thomas, oo ka tirsan Sanduuqa Bulshada Yurub ee Garaadka Macmalka ah, ayaa ku baaqay in dhalinyarada Afrika lagu dhiirrigeliyo inay yeeshaan aqoon iyo xirfad ay kaga qayb qaataan warshadaha garaadka macmalka ah si ay gacan uga geystaan horumarinta qaaraddooda. Waxaa lagu soo gabagabeeyay in dhalinyarada Afrika ay u baahan yihiin taageero buuxda si ay u horumariyaan xirfadaha tiknoolajiyada casriga ah iyo garaadka macmalka ah, taas oo muhiim u ah horumarka mustaqbalka qaaradda. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Xarun cusub oo Saynis, Teknolojiyad iyo Hal-abuur ah ayaa laga hirgeliyay Jaamacadda Ambo
Sep 27, 2025 183
Addis Ababa, Kodxin/Maskaram 17/2017 (ENA): Xarun cusub oo lagu horumarinayo sayniska, teknoolojiyadda iyo hal-abuurka oo loo yaqaan “ANSO AfriKa” ayaa si rasmi ah looga furay Jaamacadda Ambo ee Itoobiya. Xafladdii furitaanka ayaa lagu sheegay in xaruntan ay noqoneyso tii ugu horraysay ee noocan ah ee laga hirgeliyo Itoobiya, taas oo sidoo kale ka qayb qaadan doonta mashaariicda heer Afrika ee la xiriira sayniska, hal-abuurka iyo teknoolojiyadda. Xaruntan ayaa lagu sheegay inay xoojin doonto iskaashiga u dhexeeya jaamacadaha dalka, khubarada iyo warshadaha si wadajir loogu horumariyo aqoonta iyo tiknoolojiyadda casriga ah. Wasiiru Dowlaha Waxbarashada, Dr. Kooraa Tushune, ayaa sheegay in xaruntan cusub ay dardar gelin doonto safarka Itoobiya ee ku wajahan noqoshada xarun hal-abuurnimo iyo tiknoolojiyadeed oo heer qaran iyo qaaradeed ah. Madaxweynaha Jaamacadda Ambo, Dr. Baysa Lataa, ayaa dhankiisa tilmaamay in xaruntan ay sare u qaadi doonto heerka jaamacadaha dalka, iyagoo u beddelmaya xarumo cilmi-baaris iyo hal-abuur oo caalami ah. Waxaa sidoo kale lagu sheegay in xaruntan ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonto beddelidda fikradaha hal-abuurka ee xalka u ah dhibaatooyinka bulshada, looguna rogo waxqabad dhab ah oo la taaban karo. Intaa waxaa dheer, xaruntan ayaa lagu sheegay inay gacan ka geysan doonto in warshadaha dalka ay isticmaalaan tiknoolojiyad casri ah si ay u qaataan kaalintooda caalamiga ah. ANSO waa hay’ad ay taageerto dawladda Shiinaha, waxayna diiradda saartaa is-weydaarsiga aqoonta iyo tiknoolojiyadda, iyo sidoo kale horumarinta sayniska iyo hal-abuurka ee qaaradda Afrika. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Itoobiya iyo Shiinaha ayaa xoojinaya iskaashigooda dhinaca Sayniska, Teknolojiyadda iyo Hal-abuurka
Sep 27, 2025 188
Addis Ababa, Kodxin/Maskaram 17/2017 (ENA): Itoobiya iyo Shiinaha ayaa xaqiijiyay inay sii xoojinayaan iskaashigooda ku saabsan sayniska, teknoolojiyadda iyo hal-abuurka. Wasiirka Hal-abuurka iyo Teknolojiyadda ee Itoobiya, Dr. Belete Mollaa, ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay Wasiirka Sayniska iyo Teknolojiyadda Shiinaha, Yin Hejun, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal. Dr. Belete Molla ayaa sheegay in Itoobiya iyo Shiinaha ay leeyihiin xiriir saaxiibtinimo oo adag oo ku dhisan dan wadaag iyo iskaashi labada dhinac ah. Wasiirku wuxuu tilmaamay in iskaashiga labada dal uu diiradda saarayo meelaha ay ka mid yihiin sayniska iyo teknoolojiyadda, nabadda, waxbarashada, caafimaadka, la dagaallanka isbeddelka cimilada, dhismaha kaabayaal dhaqaale, garaadka macmalka ah, beeraha, iyo cilmi-baarista. Dr. Belete ayaa xusay in Itoobiya ay sanadadii la soo dhaafay horumar muuqda ka samaysay dhismaha dhaqaalaha dhijitaalka ah, isla markaana ay sii wadi doonto xoojinta iskaashiga ay la leedahay Shiinaha gaar ahaan dhinacyada teknoolojiyadda iyo hal-abuurka. Dhankiisa, Wasiirka Sayniska iyo Teknolojiyadda ee Shiinaha, Yin Hejun, ayaa ammaanay dadaalka iyo mudnaanta ay Itoobiya siisay dhismaha dhaqaalaha dhijitaalka ah, isagoo ku tilmaamay mid dhiirrigelin mudan. Wuxuu sheegay in Shiinaha iyo Itoobiya ay ka mid yihiin dalalka caalamka ee sameeyay horumar degdeg ah, isla markaana ay yihiin tusaale lagu daydo. Yin Hejun ayaa carrabka ku adkeeyay in si loo sii wado horumarkan labadooda dhinac, loo baahan yahay in si ballaaran loo adeegsado teknoolojiyadda casriga ah, isagoo xaqiijiyay in Shiinaha ay sii wadi doonto xoojinta iskaashigeeda ay la leedahay Itoobiya ee ku saabsan hal-abuurka iyo horumarinta teknoolojiyadda. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Ciyaaraha
Ciyaaryahannada Itoobiya ee Sige Kaahsaay ayaa kaalinta koowaad ka gashay Afrika tartanka baaskiillada adduunka
Sep 27, 2025 177
Addis Ababa, Kodxin/Maskaram 17/2017 (ENA): Ciyaaryahannada Itoobiya ee Sige Kaahsaay ayaa kaalmaha hore kaga jira Afrika dhanka dhalinyarada ee tartanka baaskiillada adduunka. Tartankan caalamiga ah ee baaskiil wadista ayaa ka socday dalka Rwanda, waxaana lagu tartamay qaybo kala duwan oo ay ka mid ahayd ciyaarta waddooyinka. Sige Kaahsaay ayaa masaafo dhan 74 kiiloomitir ku jirtay tartanka da’yarta ee waddooyinka, iyadoo kaalinta 1aad ka gashay tartanka guud ahaan Afrika. Iyadoo muujisay dadaal iyo xirfad heer sare ah, Sige waxay sidoo kale gashay kaalinta 7-aad ee caalamka, taasoo ah guul weyn oo taariikhi ah oo loogu dabaaldegay gudaha Itoobiya. Ka hor tartankan,Sige Kaahsaay ayaa hore ugu guuleysatay kaalinta koowaad ee Afrika ee qaybta "waqtiga shaqsiga" ee da’yarta, taas oo muujinaysa horumar iyo hibada ay u leedahay ciyaaraha baaskiil wadista. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Orodyahannada Itoobiya oo ka qayb galaya ciyaarta kama dambaysta ah ee 3000m ee orodka Ragga
Sep 16, 2025 346
Addis Ababa, Kodxin/Maskaram 5/2017 (ENA): Ciyaarta kama dambaysta ah ee 3000 mitir ee orodka ragga ayaa lagu qabtay maanta tartanka 20-aad ee Horyaalka Caalamka ee Orodka. Tartankan oo bilowday doona 9:55 (3:55) subaxnimo, waxay Itoobiya ku matalaya Laameja Girma, Getnet Wale iyo Samu'eel Firewu. Lameja Girma ayaa hore saddex jeer oo isku xiga uga soo hoyday billado qalinka tartamada Caalamka ee Budapest 2023, Eugene, USA 2022, iyo Doha, Qatar 2019. Sidoo kale, wuxuu leeyahay rikoodhka adduunka ee masaafohan, kadib markii uu 2023 tartanka Diamond League ee Paris ku dhammeeyay 7 daqiiqo, 52 ilbiriqsi iyo 11 ilbiriqsi yar. Lameja ayaa lagu wadaa in uu la tartamo orodyahanka reer Moroko, Soufiane El-Bakkali, oo ah kan haysta horyaalka hadda jira, isagoo rajaynaya inuu ku guuleysto billaddiisii ugu horreysay ee dahabka ah. Getnet Wale wuxuu leeyahay rikoodh shaqsiyeed oo ah 8 daqiiqo, 5 ilbiriqsi iyo 15 microsecond, halka Samuel Firewu uu leeyahay rikoodh oo ah 8 daqiiqo, 4 ilbiriqsi iyo 34 ilbiriqsi yar. Itoobiya, oo tartankan adduunka ka qayb galaysa Tokyo, illaa iyo hadda waxay heshay laba billadood oo qalin ah iyo hal billad naxaas ah. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Gudhaaf Sagaaye ayaa ku guuleysatay tartanka 1,500 mitir ee haweenka ee lagu qabtay Liiga Dheemanka ee Silesiya dalka Poland.
Aug 16, 2025 824
Addis Ababa, Naaf/Nahaase 10/2017 (ENA): Oroedyahannada ayaa ku guuleysatay iyadoo diiwaangelisay waqtigii shanaad ee ugu dheereeyay abid, kadib markii ay ka hor martay orodyahnada reer Kenya Beatrise Jebet oo ay si buuxda uga adkaatay. Gudhaaf ayaa tartanka ku dhammeysay 3 daqiiqo, 50 ilbiriqsi iyo 62 mikro-sekonds, waxaana waqtigaasi loo diiwaangeliyey inuu yahay kii 5aad ee ugu dheereeya ee taariikhda Liiga dheemanka. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Itoobiya oo ka qaybgaleysa shan ciyaar oo kala dambays ah oo muhiim ah— Tartanka Kubadda Cagta ee Dhallinyarada Afrika
Jul 19, 2025 973
Addis Ababa, Afagaal/Hamle 12/2017 (ENA): Tartanka 3aad ee orodada ciyaartooyda ka yar da’da 18 iyo 20 sano ee Afrika oo ka socda magaalada Abakha ee dalka Nayjeeriya ayaa maanta galay maalintiisii afraad. Jadwalka tartanka maanta, orodyahanada Itoobiya ayaa ka qeybgalaya shan tartan oo kama dambeys ah. 12:00 duhurnimo: Natchok Choll ayaa u matalaysa Itoobiya tartanka gabdhaha orodka 3,000m ee da'doodu ka yar tahay 20 sano. 12:15 duhurnimo: Warkaanahe Aynalem ayaa ordaya orodka 3,000m ee wiilasha da'doodu ka yar tahay 20 sano. 3:20 galabnimo: Tartanka 5,000m ee wiilasha ka yar 20 sano ayaa la qabanayaa, waxaana Itoobiya u metelaya Nibret Kinde iyo Getahun Belaajew. 3:45 galabnimo: Tartanka gabdhaha Medley Relay ee da’doodu ka yar tahay 18 sano, waxaa Itoobiya u ordaya Senbone Tesfa, Genet Ayele, Banjalem Biks, iyo Bontu Dani'eel. 4:05 galabnimo: Tartanka 4x100m ee gabdhaha ka yar 20 sano, waxaa Itoobiya u matalaya Selamawit Kokeb, Dhamitu Sheferahu, Ajajiba Aliye, iyo Ti’igist Bantiyideru. Ilaa hadda, xulka Itoobiya wuxuu ku guuleystay 7 billadood oo kala ah 3 billadood oo qallin ah iyo 4 billadood oo naxaas ah, sida ay sheegtay Xiriirka Orodada Itoobiya. Tartankan ciyaaraha fudud ee 3aad ee ciyaartooyda ka yar 18 iyo 20 sano ee Afrika ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u soo gebageboobo berri. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Ilaalinta Deegaanka
Machadka Isbeddelka Beeraha Itoobiya ayaa abaal-marin caalami ah ka helay FAO
Oct 17, 2025 31
Addis Ababa, Dirir 7/2018 (ENA): Machadka Isbeddelka Beeraha ee Itoobiya (EATI) ayaa la guddoonsiiyay abaal-marin caalami ah oo ay bixiso Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO). Abaal-marintan ayaa lagu maamusay machadka sababo la xiriira doorka muuqda ee ay ka qaadatay hirgelinta qorshayaasha FAO, gaar ahaan dadaalka ay ku xoojinayso horumarinta beeraha waara iyo nolosha miyiga, kor u qaadidda ammaanka cuntada, iyo hal-abuurnimada la xiriirta wax-soo-saarka beeraha. Agaasimaha Guud ee Machadka, Dr. Mandefro Niguse, ayaa abaal-marintan ku guddoomay magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga, halkaas oo uu ku yaallo xarunta dhexe ee FAO. FAO ayaa sheegtay in ay abaal-marintan siisay Itoobiya, maadaama barnaamijka “ Raadka Cagaaran” ee ay dalka ka hirgelisay uu tusaale u yahay hab-maamul wanaagsan oo waara oo lagu maareeyo keymaha iyo horumarinta deegaanka. Munaasabadda lagu bixiyay abaal-marintan ayaa qabsoontay intii lagu guda jiray Shirka Cuntada Adduunka ee FAO oo lagu qabtay magaalada Rooma, iyadoo ay kasoo qaybgaleen madaxda dalal badan iyo hay’ado caalami ah. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Itoobiya waxaa ka go'an inay noqoto hoggaanka Afrika ee shirarka caalamiga ah ee cimilada - Wasiir Fitsum Assefa (Dr.)
Oct 17, 2025 31
Addis Ababa; Dirir 7/2018 (ENA): Dowladda Itoobiya waxaa ka go’an inay noqoto hoggaanka Afrika ee shirarka caalamiga ah ee cimilada, ayay tidhi Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Fitsum Assefa (Dr.). Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta ayaa soo qaban qaabisay barnaamij lagu aqoonsanayo dadkii gacanta ka geystay sidii uu guul ugu soo dhammaaday shirkii labaad ee isbeddelka cimilada Afrika. Barnaamijkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Fitsum Assefa (Dr.), Wasiirka Arrimaha Dibadda Grdhiyoon Timotiwoos (Dr.), Wasiirka Cadaaladda Hanna Arayaselassie iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda iyo xubno ka socday diblomaasiyiinta. Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Dr. Fitsum waxa kale ay ku sheegtay barnaamijkan in shirkii labaad ee isbeddelka cimilada Afrika uu ahaa mid lagu xaqiijinayo sida ay nooga go'an tahay ka jawaabista saameynta isbeddelka cimilada. Waxa ay sheegtay in shirkan uu ahaa mid guul ku soo dhamaaday si loo tuso caalamka in Afrikaanka ay safka hore kaga jiraan sidii xal wax ku ool ah looga gaari lahaa isbedelka cimilada. Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay tahay hab lagu xoojinayo awoodda afrikaanka inay si wadajir ah uga jawaabaan caqabadaha isbeddelka cimilada. Ugu danbayntii, waxa ay sheegtay in dawladda Itoobiya ay ka go’an tahay in ay guushan u adeegsato si kor loogu qaado hoggaanka Afrika ee shirarka caalamiga ah ee cimilada. #Wakaalladda Wararka_Itoobiya
FAO ayaa siisay Itoobiya abaalmarin ku saabsan “Horumarka waara ee Isticmaalka iyo ilaalinta kaynta”
Oct 17, 2025 27
Addis Ababa, Dirir 5/2018 (ENA): Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Adduunka (FAO) ayaa Itoobiya siisay aqoonsi ku saabsan “Horumarka waara ee Isticmaalka iyo ilaalinta kaynta” Abaalmarintan, oo ay bixisay FAO oo xarunteedu tahay Rome, Talyaani, waxaa si rasmi ah u gudoontay Wasiirka Dalxiiska ee Itoobiya, Salaamaawiit Kaasaa. FAO waxay abaalmarintan siisay Itoobiya iyada oo tixgelinaysa dadaalka joogtada ah ee dalka ka wado ilaalinta amniga cunnada, bixinta cunto isku dheeli tiran, iyo horumarinta wax-soosaarka dalagga. Abaalmarintan waxaa sidoo kale lagu xusay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed, uu taageero muuqata u muujiyey hawlahaas. Waxaa la xusay in aqoonsiga FAO ee “Biladda Beeraha” uu yahay mid sharaf iyo tixgelin u ah horumarka Itoobiya ku tallaabsatay dhinaca beeraha iyo cuntooyinka. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
IGAD iyo Jarmalka ayaa ku heshiiyay in ay xoojiyaan iskaashigooda istiraatiijiyadeed ee la xiriira maareynta socdaalka iyo la dagaallanka isbeddelka cimilada
Oct 11, 2025 73
Addis Ababa, Kodxin/Maskaram 30/2018 (ENA): Urur Goboleedka Horumarinta Bariga Afrika (IGAD) iyo Dowladda Jarmalka ayaa ku dhawaaqay qorshe ay ku ballaarinayaan iskaashigooda istiraatiijiyadeed, gaar ahaan dhinacyada maareynta socdaalka iyo la tacaalidda isbeddelka cimilada. Kulankan istiraatiijiyadeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Jabuuti, waxaana ka qeyb galay Xoghayaha Guud ee IGAD Dr. Warqineh Gebeyehu, Madaxa Bariga Afrika ee Wasaaradda Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta Jarmalka Hannig, iyo Danjiraha Jarmalka u fadhiya Jabuuti Dr. Heyke Fuller. Labada dhinac ayaa falanqeeyay heerka iskaashigooda ee ku saabsan arrimaha Geeska Afrika, iyagoo isla meel dhigay qorshayaal cusub oo lagu sii xoojinayo xiriirkooda mustaqbalka. Dooda ugu weyn ayaa diiradda saartay socdaalka iyo cimilada, kuwaas oo loo arkay inay yihiin caqabado istiraatiijiyadeed oo u baahan iskaashi dhab ah. Jarmalka ayaa ballan qaaday inuu taageerayo wajiga labaad ee mashruuca fulinta siyaasadda socdaalka ee IGAD, iyadoo la siinayo 2.5 milyan oo Yuuro, si loo taageero siyaasadda socdaalka, nidaamyada sharci ee socdaalka xorta ah, iyo hagaajinta nolosha muwaadiniinta ku nool dalalka IGAD. Sidoo kale, Jarmalka ayaa diyaariyay 22.5 milyan oo Yuuro oo loogu talagalay barnaamijyada dhisidda awoodda dalalka xubnaha ka ah IGAD si ay ula qabsadaan isbeddelka cimilada, taas oo ka dhalatay barnaamijka caymiska maaliyadeed ee khasaaraha degdegga ah ee la xiriira masiibooyinka cimilada. Taageeradan ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayo dadaallada IGAD ee ku aaddan la tacaalidda abaarta iyo hirgelinta barnaamijyada adkeysiga deegaanka. Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa ku heshiiyeen in iskaashigooda lagu saleeyo natiijo la taaban karo, isla xisaabtan iyo ka-qaybgal dhab ah, iyadoo la qorsheeyay in kulamada siyaasadeed ee IGAD iyo Jarmalka la joogteeyo si joogto ah. Warbixinnada ayaa tilmaamaya in IGAD iyo Jarmalku ay lahaayeen iskaashi soo jireen ah ku dhawaad 37 sano socday. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Wararka Caalamka
Qalabka Duubista Codka (Sanduuqa Madow) ee Diyaaraddii ku Burburtay Hindiya ayaa la Helay – Tallaabo Muhiim ah oo Laga Gaaray Baaritaanka
Jun 16, 2025 1119
Addis Ababa, Agaali/Sane 9/2017 (ENA):Waxaa la xaqiijiyay in la helay qalabka duubista codka ee diyaaraddii dhawaan ku burburtay dalka Hindiya, arrintan oo muhiim u ah baaritaanka lagu ogaanayo sababta keentay shilkaas. Diyaaradda nooca Boeing 787-8 ah oo ka duushay magaalada Axmedabaad kuna socotay London, ayaa shil ku gashay gudaha Hindiya, taas oo sababtay dhimashada 270 qof oo saarnaa diyaaradda. Kooxda baaritaanka ee ku hawlan baadhista sababta shilka ayaa sheegtay in ay heleen qalabka duubista codka ee loo yaqaano Cockpit, kaas oo ku jiray qeybta kontoroolka ee diyaaradda. Sida ay ku warrantay BBC, qeybta la helay ee diyaaradda waxay ka kooban tahay laba qalab muhiim ah oo loogu yeero “Sanduuqa Madow” – kuwaas oo kaydiya macluumaadka duulimaadka iyo wada sheekaysiga duuliyayaasha. Helitaanka qalabkan ayaa loo arkaa horumar weyn oo lagu gaaray baaritaanka socda, waxaana baaritaankaas si wadajir ah u wadda khubaro ka kala socda Hindiya, Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska. Qalabkan ayaa fure u noqon doona fahamka dhabta ah ee sababta keentay shilka diyaaradda, waxaana la filayaa in natiijadiisu ay wax badan iftiimin doonto. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Donald Trump ayaa gaadhay Boqortooyada Sacuudi Carabiya
May 13, 2025 1378
Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 5/2017 (ENA): Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa booqasho diblomaasiyadeed oo ballaaran ku tegay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, taasoo ah safarkiisii ugu horreeyay ee caalami ah tan iyo markii uu markale xilka qabtay. Donald Trump wuxuu booqashadiisa afar maalmood ah ku tegi doonaa Sacuudi Carabiya, Qatar iyo Imaaraadka Carabta, isagoo rajeynaya in safarkani uu horseedi doono maalgashi cusub oo weyn oo uu Mareykanka ka helo. BBC ayaa ku warrantay in Trump uu jebiyay dhaqankii hore ee madaxda Mareykanka ay marka ay xilka qabtaan ugu horreyn u safri jireen dalal ay kamid yihiin Ingiriiska, Kanada iyo Meksiko, isagoo doortay inuu safarkiisii ugu horreeyay ee dibloomaasiyadeed ku tago Sacuudi Carabiya.
Dhulgariir Cabirkiisu Yahay 6.2 ayaa ku Dhuftay magaalada Istanbul ee dalka Türkiga
Apr 23, 2025 1547
Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 15, 2017 (ENA) – Dhulgariir cabirkiisa lagu qiyaasay 6.2 ayaa maanta ku dhuftay magaalada Istanbul ee dalka Türkiye. Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday wakaaladda wararka Anadolu, dhulgariirka ayaa dhacay waaberigii hore ee saaka, taasoo keentay in dadweynaha ku nool Istanbul iyo deegaannada ku xeeran ay si cabsi leh uga cararaan guryahooda. Sidoo kale, dhulgariir kale oo cabirkiisu gaarayo 4.9 ayaa laga diiwaangeliyey agagaarka xeebta Büyükçekmece oo u dhow magaalada Istanbul. Anadolu waxay xustay in maamulka gurmadka degdegga ah ee dalka uu xaqiijiyey dhul gariirka labaad. Illaa hadda wax khasaare ah lagama soo sheegin Balse, hay’adaha ammaanku waxay shacabka kula taliyeen in aanay dib ugu noqon dhismayaasha waxyeelladu soo gaartay haddii aysan muhiim ahayn, in aysan isticmaalin gaadiidka haddii aysan muhiim ahayn, iyo in ay raacaan tallaabooyinka taxaddarka ah ee la bixinayo. Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa la sheegayaa inuu si dhow ula socdo xaaladda, islamarkaana uu muujiyey dareenkiisa ku aaddan badbaadada iyo wanaagga muwaadiniinta dalka. Warbixinta sidoo kale waxa lagu sheegay in Madaxweynaha si joogto ah u helayo warbixinno la xiriira xaaladda, iyadoo ay siinayaan mas’uuliyiinta maamulka gurmadka degdegga ah iyo hay’adaha kale ee ay khuseeya. #Ethiopia #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #ENA #Türkiye
Madaxweyne Musefeni ayaa booqday Juba xilli xiisad ay ka taagan tahay dalka hodanka ku ah Saliidda ee Bariga Afrika
Apr 4, 2025 1660
Addis Ababa, Cuur/ Magaabiit 26/2017 (ENA): Madaxweynaha Uganda, Yoweri Musefeni, ayaa Khamiistii gaaray caasimadda Koonfurta Suudaan ee Juba si uu booqasho rasmi ah ugu sameeyo. Booqashada Musefeni ee Juba waxay ku soo beegmaysaa xilli xiisad ay ka taagan tahay dalka hodanka ku ah saliidda ee Bariga Afrika, kadib markii Riek Majaar, oo ka mid ah madaxweyne ku xigeennada dalka, la xiray dhammaadkii bishii hore. Musefeni waxaa garoonka caalamiga ah ee Juba ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salfa Kiir. Labada hoggaamiye ayaa yeeshay kulan gaar ah ka hor inta uusan Musefeni dib ugu laaban Uganda. Toddobaadyadii u dambeeyay, xiisadda dalka ayaa sii kordhayay kadib xarigga Majaar. Kooxda siyaasadeed ee Majaar ayaa sheegtay in heshiiskii 2018-kii, oo saldhig u ahaa xasilloonida dalka kadib dagaalkii sokeeye ee naxdinta lahaa, uu gebi ahaanba burburay, taasoo cabsi gelisay in dib loogu laabto dagaal, maadaama ciidamada dawladda ee taabacsan Kiir ay dagaal kula jiraan askar iyo maleeshiyaad daacad u ah Majaar. Booqashada Musefeni ayaa sidoo kale ku soo beegantay xilli dhexdhexaadiyeyaasha Midowga Afrika ay gaareen caasimadda Koonfurta Suudaan si ay u qiimeeyaan xaaladda dalka. #Uganda #KoonfurtaSuudaan #XiisaddaKoonfurtaSuudaan
Faalooyin
Iilaha dhaqaalaha kala duwan ee dalxiiska (Koyisha Chabera Chur churaa Maroodiga Danaa Lodgi, Halaalaa Kelaa, Wanchi Dandi, Gorgora...)
Jan 17, 2024 3998
Addis Ababa Tir 8 /2016 -Horumarinta gobaha dalxiiska dhaqaale ee kala duwan ayaa kaalin mug leh ku leh faa'iidada caalamiga ah ee muwaadiniinta dakhliga kahelaan . Hantida tooska ah iyo tan dadbanba waxaa laga abuuri karaa fursado badan oo ka abuurma dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha. Sannadihii u dambeeyay, Itoobiya waxa ay diiwaangelinaysay isbeddel wax ku ool ah iyada oo ahmiyad gaar ah siinaysa dhismaha dhaqaale kala duwan. Sannad maaliyadeedka 2015-ka ee dhammaaday, waxa ay diiwaangelisay kobaca dhaqaalaha boqolkiiba 6.4. Warbixinta Bangiga Adduunka ayaa muujisay in kobaca Itoobiya ee 2023 uu ka dhigay midda koowaad ee Bariga Afrika iyo tan saddexaad ee ka hooseeya Saxaraha. Dhinacyada Beeraha, Warshadaha, Macdanta iyo Dalxiiska ayaa ah tiirarka hormuudka u ah koboca dhaqaale. Ku darida tan dadaalka lagu dhisayo dhaqaalaha dhijitaalka ah, aragtida dhaqaalaha badan ayaa ah mid wax ku ool ah. Tusaale ahaan, beerta beeralayda ayaa leh saamiga ugu horreeya ee 6.1 boqolkiiba wadarta kobaca qaranka ee la diiwaan geliyey sannadkii hore. Warshadaha boqolkiiba 4.9; Qaybta adeeggu waxay lahayd door muhiim ah oo leh 7.6 boqolkiiba. Kobaca dhaqaalaha ee boqolkiiba 7.5 ayaa la filayaa in la diiwaan geliyo sanad maaliyadeedka 2016ka. Tan, waxaa si weyn loo xusay doorka shaqooyinka laga qabtay kaabayaasha dalxiiska ee sanadihii la soo dhaafay. Itoobiya waxa ay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada, Sayniska iyo dhaqanka ee UNESCO ka diwaangelisay guud ahaan 16 goobood oo la taaban karo. Dhaxalka diiwaangashan ayaa soo jiita dadka soo booqda gudaha iyo dibadda waxayna si weyn uga qayb qaataan horumarka dalka iyo sarifka lacagaha qalaad. Dalxiiska iyo adeegga oo dhaqan ahaan loogu yeero warshadaha ka caagan qiiqa ayaa ka qayb qaadan doona horumarka dalka iyadoo si toos ah iyo si dadbanba ay uga faa’iidaysan doonaan muwaadiniin badan. Boqolkiiba 7.6 kobaca guud ee qaranka ay Itoobiya gaadhay 2015 waa daliil cad. Xaqiiqda ah in dalxiisku yahay mid ka mid ah shanta tiir ee dhaqaalaha ee qorshaha horumarinta 10-ka sano ayaa si cad u muujinaya fiirada la siiyay qaybta. In si sax ah loo ogaado loona horumariyo hantida dalxiiska ee dalka, xoojinta kaabayaasha dhaqaalaha ee goobaha dalxiiska iyo dhisidda kaabayaal cusub oo badan; Horumarinta goobaha cusub ee dalxiiska ee dalka iyo horumarinta goobaha hadda jira ayaa ka mid ah hawlaha laga fuliyay waaxda dalxiiska ee qorshaha horumarinta. Kordhinta tartanka iyada oo la balaadhinayo nooca iyo qaybaha wax soo saarka dalxiiska, abuurista suuqyo cusub oo dalxiis iyo kordhinta saamiga suuqa iyada oo la fulinayo isku xidhka suuqa oo wax ku ool ah, calaamadaynta iyo kor u qaadista waxqabadyada horumarinta, iyo kordhinta waxtarka qaybta ee dhaqaalaha qaranka iyada oo la taageerayo tiknoolajiyada, cilmi-baarista iyo horumarinta. . Hadafyada ayaa la dejiyay in la kordhiyo tirada adeeg bixiyayaasha dalxiiska ee ka ahaa 1,348 sanad miisaaniyeedka 2012 ilaa 2,696 sanad xisaabeedka 2022, iyo in kor loo qaado heerka qanacsanaanta booqdayaasha 50 boqolkiiba ilaa 75 boqolkiiba. Intaa waxaa dheer, waxaa la qorsheeyay in la horumariyo 59 goob dalxiis oo cusub oo lagu kordhinayo 40 goobood oo hadda jira si loo helo suuqa. Iyadoo la horumarinayo dalxiiska gudaha iyo horumarinta dhaqanka booqashooyinka, hadafku waa in la kordhiyo tirada dadka soo booqda oo ahaa 23.7 milyan sanad misanyeedka 2012 oo la gaarsiiyo 70 milyan sanadka 2022, iyo in la kordhiyo tirada shaqaalaha tababaran ee hoteelada iyo dalxiiska 23 ilaa 59 boqolkiiba. Sidoo kale, waxa la qorsheeyey in la kordhiyo tirada shaqa abuurka ee loo abuurayo muwaadiniinta iyadoo la horumarinayo laguna kordhinayo qaybta 1.64 milyan ee sanad miisaaniyadeedka 2012, lana gaadhsiiyo 5.2 milyan sanad miisaaniyeedka 2022. Hadafka ayaa la qorsheeyay in la kordhiyo tirada dadka soo booqda dalka oo ka ahaa 850,000 ilaa 7.3 milyan isla mar ahaantaana si kor loogu qaado dakhliga ka soo gala dalxiiska. Si loo gaaro yoolkaas, waxaa lagu sameyn doonaa horumarro dhanka habraaca shaqada ah, waxaana qorshuhu uu yahay in la sameeyo machadka maaraynta goobaha iyo kor u qaadista hoteellada iyo xarunta tababarka dalxiiska oo laga dhigo machad. Isla sahankaas, dawladdu waxa ay waddaa meelo badan oo soo jiidasho leh iyo dhismo kaabeyaasha dhaqaalaha ah si loo soo nooleeyo waaxda loona abuuro jawi raaxo leh oo soo booqda. Sannadkii 2011, istaraatijiyadda dalxiiska gudaha waa la dejiyay oo la hawl galiyay. Addis Ababa, oo leh taariikh in ka badan 130 sano, ayaa waday shaqo ay ku ballaarinayso goobta dalxiiska iyada oo loo marayo mashruuca Gebeta Le Sheger. Sida la og yahay "Map for Sheger" waa qorshe 29 bilyan oo birr ah oo lagu horumarinayo dooxoyina webiyada iyo seeraha Addis Ababa. Waxaa xusid mudan in Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed uu bishii miyaziya 2011 diyaariyey barnaamijka “Map For Migration” si dhaqaale loogu soo saaro mashaariicda ka dhigi doona Addis Ababa mid ku habboon dalxiiska magaalooyinka. Waxaan la tilmaami karin in ka badan 200 oo qof, hay’ado iyo hay’ado caalami ah iyo kuwo maxalli ah ayaa ka soo qeyb galay barnaamijka casho sharafta loo soo agaasimay. Mashaariicda lagu fuliyay barnaamijka, waxaa sidoo kale lagu xusay Beerta Enteto, Midnimada iyo Saaxiibtinimada ee laga dhisay Addis Ababa. Waxa la sheegay in mashaariicdani aanay ahayn mid balaadhinta dalxiiska balse ay abuureen fursado shaqo oo badan, isla markaana ay wax weyn ka tartay kor u kaca dhaqaalaha adeegyada iyo wax ka bedelka bilicda magaalada. Sannadkii 2013-kii, Mashruuca Gegeta Le Sheger waxa uu u koray Shaxda Dalka waxaana la fuliyay mashaariic kala duwan. Mashaariicda Gorgora, Wonchi-Dandina Koisha ayaa qayb ka ah mashruuca Gebeta Le Egar, kaas oo wax badan u abuuri doona Itoobiya oo ah mulkiilaha dalxiiska badan. Gorgora Gorgora waa magaalo qurux badan oo ku taal banka harada Tana oo masaafo dhan 61.4 km u jirta magaalada qadiimiga ah ee Gonder. Waxa caddaymo muujinaya in Imbaraadoor Susnyos uu caasimaddiisii ka raray Guzara una guuray Gorgora sannadkii 1604tii. Kaniisadaha ku xeeran, kaniisadaha, burburka daaraha boqortooyadu iyo dhirta doogga ah ayaa caddayn u ah in magaaladu ay taariikhda ku duugan tahay. Haddi ay ahaan lahayd hilmaan ama feejignaan la'aan, Gorgora waxa ay ku hoos jirtay cidhiidhiga da'da. Si kastaba ha ahaatee, mashruuca Jaantuska Qaranka oo uu daah-furay Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed, ayaa arrinkaas wax ka beddelay oo la soo baxay sarakicidda Gorgora. Kaabayaal dalxiis ayaa loo dhisayaa, kaas oo dib u cusbooneysiin doona taariikhdiisa, magaciisana ku rinjinaya midabyo dhalaalaya. Shacabka magaalada ayaa bilaabay in ay isku amaanaan “Gorgora – Aroosadii waagii Alle”, iyagoo u maleynaya in arrin cajiib ah ay ku timid, taas oo laga jawaabay niyad jabkii ay mudada dheer ku jireen. Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa mar uu ka hadlayay mashruucan ku sheegay in mashruuca Gorgora uu ku jiro taariikhdii hore ee Itoobiya, fursadaha maanta jira iyo riyada berrito. Sheekadan, fursada iyo riyadu waxay ku dhowdahay inay rumoobaan; Sababtoo ah mashruuca Gorgora ayaa gabagabo ku dhow. Harta wanchii Harada Wonchi waa muuqaal kale oo ifaya oo Itoobiya ah. Waxay ku taal meel 150 kiiloomitir u jirta Addis Ababa ee Degmada Wonchi, Soonka Koonfur Galbeed Showa ee Gobolka Oromia, waa meesha ugu quruxda badan ee dabiiciga ah. Wonchi waa haro iyo il kulul oo jooggeedu yahay 3,380 mitir, aagguna wuxuu hoy u yahay kaymo, shimbiro naadir ah, iyo keniisadda caanka ah ee St. Kirk waxay ku taal jasiiradda harada. Mid ka mid ah harooyinka uu sameeyay Folkaanaha, harada Wonchi ee quustay ayaa ka mid ah mashaariicda ay dowladdu u qorsheysay dalka. Waxaa lagu naaneysaa "Switzerland of Africa" ee booqdayaasha, Wenchi Lake waxay hoy u tahay kaymo dabiici ah, ilo kulul iyo biyo-dhacyo, iyo sidoo kale wax soo saarka malabka ee caanka ah. Ka dib muuqaalka soo jiidashada leh ee aagga. Harada Wonchi waxaa loo doortay tuulada dalxiiska ugu wanaagsan shirkii 24-aad ee Ururka Dalxiiska Adduunka ee lagu qabtay Madrid, Spain sanadka 2021. Tuuladan quruxda badan ee loo dalxiis tago oo ku taalla meel aan ka fogayn caasimadda Addis Ababa, ayaan helin dareenkii ay mudnayd. Hadda, fursadda uu abuuray mashruuca Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy ee Gegeta Le Heger, waxay u beddeshay kheyraadkii dabiiciga ahaa iyo bilicda harada Dandi iyo nawaaxigeeda faa’iidooyin dhaqaale. Kooisha Koisha Eco- Dalxiiska waa haro macmal ah oo uu sameeyay biyo xireen weyn oo koronto oo ku yaal wabiga Omo. Waxay ku taalaa aagga Dauro ee Ismaamulka Koonfur Galbeed Itoobiya, waxaana laga furay goob loo dalxiis tago oo lagu magacaabo Halala Kela oo lagu magacaabo Kooisha. Deegaanka Daurona Contan waa mashruuc weyn oo heer qaran ah oo isku dhafan kheyraadka dabiiciga ah iyo kuwa bani-aadmiga. Mashruucan ayaa isku xiri doona xarunta koronto oo Gibe-3 ah, harada dabiiciga ah ee Dauro King Kao Halala, Beerta Qaranka ee Chobera Churchura ilaa Koisha iyo kaabayaasha kala duwan ayaa laga dhisay beerta. Dalxiiska Halala Kela sidoo kale waa fursad weyn oo lagu booqdo goob dalxiis oo suurtagal ah oo ku taal aagga. Mashruuca Koisha ayaa mar uu yiri Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed, wuxuu daliil u yahay in Itoobiya ay sii wadi doonto horumarka dhanka barwaaqada mustaqbalka iyadoo la dardargelinayo horumarkeeda. Shaxda jiilka xiga. . . Waxa aan joogsanayn mashaariicda horumarineed ee dalka loo qabtay ee loo samaynayo shaxda dawladnimo iyo shaxda dalka iyadoo la dhamaystirayo wakhtiga iyo miisaaniyada loo qorsheeyay si ay kaalintooda uga qaataan horumarinta dhaqaalaha dalka. . Waxay ku bilaabantay shaxda waddan, waxay ku kortay shaxda waddan, waxayna u gudbi doontaa jiilba jiil. Horumarinta iyo horumarinta meelaha quruxda badan ee la ilaaway ama aan indhaha laga qarsanin, waxay dawladu ka tagaysaa raad kale oo aanay taariikhdu hilmaami doonin, si ay u ilaashato, uguna gudbiso jiilka danbe. Mashruuca "Be Gebeta Le Atorim" ayaa sidoo kale la fuliyay si loo horumariyo siddeed goobood oo dalxiis oo kale oo dalka oo dhan ah. Mashaariicdan ayaa laga dhisi doonaa Gera Alta oo ka tirsan degaanka Tigray, Jimma oo ka tirsan degaanka Oromia, Harada Arba Moshan ee degaanka Axmaarada, Beerta Palm ee degaanka Canfarta iyo magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida. Marka mashaariicda mustaqbalka Jiilka la dhammeeyo, waxay kaalin mug leh ka qaadan doonaan abuurista deegaan qurux badan oo dalxiiska deegaanka ah iyagoo beddelaya muuqaalka agagaarka deegaanka. Waxay sidoo kale si cad u xaqiijinayaan in aragtida dhaqaale ee dhinacyada badan ay tahay mid sax ah oo isku xiran. Guud ahaan hawlaha horumarineed ee baaxadda leh ee laga fulinayo heer qaran ayaa ah kuwo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha qaranka. Way fiicantahay in la caawiyo mashaariicda waaweyn ee la bilaabay si loo xaqiijiyo dadaalka Itoobiya si ay u noqdaan calaamad muujinaysa barwaaqada Afrika.
Falanqayn
Itoobiya waa aasaasihii ururrada caalamiga ah iyo hay’adaha diblomaasiyada ee dhinacyada badan leh – Madaxweyne Sahlework Zewde
Jan 12, 2024 3615
Addis Ababa; Tir 3/2016 (ENA): Itoobiya waxay kamid tahay waddan saxiixay heshisy iyo axdiyo badan oo diblomaasiyadeed oo dhinacyo badan leh, aasaasaha hay'adaha iyo hay'adaha caalamiga ah. “Diblamaasiyadayada waa Danteena Qaran” waa halkudhig logumagac daray munaasibada todobaadka ee Deblomaasyada dalka . Laga soo bilaabo caasimada Afrika ilaa heer caalami, waxaa si habsami leh uga socda barnaamijka furitaanka todobaadka dublamaasiyada Itoobiya. Ugu horeyn waxa ka hadashay furitaanka munaasibada Madaxweyne Sahlework Zewde oo sheegtay in diblumaasiyadda Itoobiya ay soo martay marxalado kala duwan. Waxa kale oo ay sheegtay in Itoobiya ay leedahay taariikh dheer oo dastuuri ah, isla markaana ay xornimadeeda ilaalinaysay qarniyo badan, isla markaana ay tahay aasaasaha hay’ado iyo ururo badan oo caalami ah. Waxna ay tilmaamay in siyaasadda arrimaha dibadda ee dalalku ay tahay mid loga danleyah in lagu muujiyo dadalka u dalku somaray , waxayna sheegay in carwo bandhiggaka dublamaasiyadeed uu muujinayo sida ay Itoobiya u faca weyn tahay. Madax wayne Slwarqi Zade sheegay in madaxda iyo dublamaasiyiinta ay dadaal dheer u galeen sidii loo ilaalin lahaa danta qaranka Itoobiya iyo sharafta qaranka. Waxa ay intaa kusodartay in guulo dublamaasiyadeed oo ay Itoobiya ka faa’iidaysteen sannadihii la soo dhaafay, wuxuuna sheegay in si bari wanaag loo sameeyo ay tahay in la iska kaashado sidii loo xallin lahaa dhibaatooyinka nala soo wajahay. Sida uu sheegay ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda mudane Demeke Mekonon, bandhiggan dublamaasiyadeed waxaa loogu talagalay in lagu xuso taariikhda diblumaasiyadeed ee Itoobiya, lagana sheekeeyo waxa hadda jira, laguna tilmaamo jihada mustaqbalka. Wuxuu sheegay in taariikhda dheer ee diblumaasiyadda Itoobiya ay muhiim u tahay in la ilaaliyo danaha qarankeena. Wuxuu sheegay in sida aan taariikhda ka baranay ay jiraan waxyaabo dalkeena ka jira oo aan si wanaagsan aan u ilaashano. Mudane Demeke ayaa sheegay in Itoobiya ay tahay dal awood leh oo shacab ay kunoolyihin leh, wuxuuna sheegay in midnimadeena gudaha ay tahay inaynu sii xoojino ugan hortagno cadaadiska caalamiga ah.
Warbixino Gaar Ah
Tallaabooyinka lagu xoojinayo nidaamka siyaasadeed lagu horumarinayo dhaqanka dimuqraadiyadeed ayaa guulo wax ku ool ah laga gaaray— Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr)
Jun 5, 2025 1198
Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 28/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr) ayaa sheegay in tallaabooyinka ay dowladda qaaday si ay u ballaariso nidaamka siyaasadeed looguna horumariyo dhaqanka dimuqraadiyadeed ayaa natiijooyin wanaagsan laga gaaay. Ra’iisul Wasaaraha oo u waramay Telefishinka Qaran ee Itoobiya ETV ayaa si faahfaahsan uga warramay caqabadihii iyo duruufihii adkaa ee ku hor gudbanaa xukuumaddiisa markii ay xilka la wareegeen. Wuxuu xusay in xilligaasi Itoobiya ay ahayd dal deyn xooggan lagu leeyahay, mashaariic waaweyn oo hakad ahaa ay jireen, hay’ado awooddou daciiftay, sharciyo dhib keeni kara iyo musuqmaasuq baahsan oo hareeyay dalka. Wuxuu sheegay in kala duwanaanta aragtida siyaasadeed uu xilligaasi sabab u noqday xaalado fowdo iyo khalkhal siyaasadeed. Tallaabooyinka adag ee xukuumaddu qaaday ayuu sheegay inay ahaayeen kuwo lagama maarmaan u ah sidii looga bixi lahaa caqabadahaasi culus. Wuxuu si gaar ah u xusay in dowladda ay awoodday in ay bixiso lacag qalaad oo badan si loo sii wado dhismaha biyo-xireenka weyn ee Abaay (GERD), taasoo ay ka go’nayd in aan la joojin. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale muujiyey in tallaabooyinka lagu ballaarinayo madasha siyaasadeed iyo horumarinta dimuqraadiyadda aysan ahayn kuwo sahlan. Wuxuu sheegay in xabsiyada laga sii daayay maxaabiis siyaasadeed iyo in xoogag mucaarad ah oo dibadda joogay la keeno gudaha dalka, taas oo ka mid ahayd go’aamadii adkaa ee la qaatay. Wuxuu tilmaamay in go’aamadaas aysan ahayn kuwo khasaare wata, balse ay ka dhasheen faa’iidooyin la taaban karo. Ugu dambayntii, wuxuu sheegay in tallaabooyinkaasi ay door weyn ka ciyaareen sidii Itoobiya u noqon lahayd dal leh hannaan xasilloon, haybad iyo jiho siyaasadeed oo la hubo. #Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
Degaanada hela xilliga robka guga ayaa heli doona 11ka maalmood ee soo socda roob fudud iyo mid dhexdhexaad ah - Haayada Saadaasha Hawada Itoobiya
Mar 22, 2024 3956
Addis Ababa; magaabid 12/2016 (ENA): Haayada Saadaasha Hawada Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in 11-ka maalmood ee soo socda inta badan dhulalka hela robka diraacda ay heli doonaan roobab fudud iyo kuwo dhexdhexaad ah. Qoraal ay haayada saadaasha hawada Itoobiya u sodirtay ENA oo ku saabsan saadaasha 11 maalmood ee soo socdainlafilaayo in ay da’aan roobab fudud ama dhexdhexaad ah. Gobalda lafilaayo in ay robabkani kad’aan waxa kamid ah degaanka herarida , Galbeedka iyo Bariga Hararge iyo Diredawa . Sidokale melha lafilaayo in u roob fiican kada’o ee Degaanka Soomaalida, waxa kamid ah deegaanada Daawa, Liibaan, Afdheer, Erer iyo Negob. roobab fudud iyo kuwo culus ee ka da'aya qaybo kala duwan ee Itoobiya ah ayaawaxa u waxtar u leyahay calafka xoolha iyo helida biyaha la cabbo,gaarahaana goobaha ay kunoolyihiin xoolo-dhaqatada iyo xoolo-dhaqata beralayda .
Golaha Wasiirada ayaa dib u eegis ku sameeyay waxqabadka rubuci labaad ee shaqada ee sanadka 2016-ka
Mar 5, 2024 3407
Addis Ababa;yakaatiit 26/2016 (ENA): Golaha Wasiirada oo uu shir gudoominaayo Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed (Dr.), ayaa bilaabay qiimaynta waxqabadka rubuci labaad ee sanadkan 2016-ka. Xogta aan ka helnay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegeysa in dib u eegista lagu bilaabay afarta waaxood ee kala ah maamulka , cadaalada, bulshada iyo dhaqaalaha. Waxaa hubaal ah in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) uu horay u bilaabay kulamo qiimeyn ah oo lagu lagu eegaayo dhaqanka waxqabad ee hay’adaha dowladda.
munaasibad aroos oo ay kasoqayb qaaten kun lamaana ah ayaa laguqabtay magaalada Addis Ababa.
Jan 16, 2024 3512
Addis Ababa, Tir 7, 2016 (ENA) 2016 -Kun guur Cruus lamaana ah oo ka kala yimid gobolada dalka Itoobiya ayaa waxaa lagu soo bandhigay heeso dhaqameed iyo bandhigyo kala duwan, waxaana lagu qabtay hoolka Millennium Hall iyo fagaaraha bi cook. Wasiirka dhaqanka iyo isboortiga Kejela Merdasa oo khudbad ka jeediyay xafladda ayaa sheegtay in guurka kun uu yahay madal kor u qaadaysa guurka, kaasoo ah aasaaska ugu weyn ee bulshada, isla markaana muujisa qiimaha dhaqanka. Waxa kale oo uu xusay in kun caruus meel ay isku guursadaan oo keliya, balse ay soo saaraan dhaqanka deegaan kasta, isla markaana ay abuuraan fursad ay isku bartaan. Warkan oo aan kahelay FBC Waxa tilmaamay in ay wasaarada dhaqanka iyo isbortigu ka shaqeyn doonoto sidii loo abuuri lahaa hanaan lagu aqal galiyo lamaanaha taasi oo muujineysa guud ahaan hanaanka guurka.
Qodobada Tilmaamaha