Madaxweynaha Tayé Atskeselase ayaa booqday warshadda cusub ee Taayarada ee Horizon Addis Rubber Manufacturing - ENA Af-Soomaali
Madaxweynaha Tayé Atskeselase ayaa booqday warshadda cusub ee Taayarada ee Horizon Addis Rubber Manufacturing
Addis Ababa, Cirir/Yekatit 28/2017 (ENA): Madaxweynaha JDFI ahna kor joogaha Guud ee Ururka Abaalmarinta Tayada Itoobiya, Tayé AskeSelase ayaa booqday shirkadda gaarka loo leeyahay ee taayarada ee Horizon Addis Manufacturing.
Booqashada waxaa qayb ka ahaa Wasiir-ku-xigeenka Ganacsiga iyo Xiriirka gobolada , mudane Mekonnen Endalew, Maamulaha Guud ee Midroc Investment Group, Jamal Ahmed, Maamulaha Guud ee shirkada soo saarta taayarada ee Horizon Addis Manufacturing, Solomon Assefa, iyo Maamulaha Guud ee Ururka Abaalmarinta Tayada Itoobiya, Tewodros Mebratu.
Warshaddan ayaa markii labaad ku guulaysatay billadda heerka koowaad ee tayada, taasoo lagu bixiyay wareeggii 11-aad ee tartanka heer qaran ee Abaalmarinta Tayada Itoobiya.
#Ethiopian_News_Agency
#ENA
#Ethiopia