Wasiirro kala duwan oo ka socda Bariga Afrika ayaa soo gaaray Addis Ababa si ay uga qeybgalaan Bandhigga 2-aad ee Fanka iyo Dhaqanka - ENA Af-Soomaali
Wasiirro kala duwan oo ka socda Bariga Afrika ayaa soo gaaray Addis Ababa si ay uga qeybgalaan Bandhigga 2-aad ee Fanka iyo Dhaqanka

Addis Ababa, Cuur/ Magaabiit 10/2017 (ENA): Wasiirro ka kala socda wadamada Bariga Afrika ayaa soo gaaray Addis Ababa si ay uga qeybgalaan Bandhigga 2-aad ee Fanka iyo Dhaqanka ee 2-aad ee Bariga Afrika.
Wasiirrada soo gaaray Addis Ababa waxaa ka mid ah: Wasiirka Dhaqanka, Matxafyada iyo Hiddaha Qaranka ee Koonfurta Suudaan, Dr. Nadiya Arob Dudi, Wasiirka Xayeysiiska, Dhaqanka, Fanka iyo Ciyaaraha ee Tansaaniya, Brofessor Balamagamba John Aydan Waluko, Wasiirka Dhallinyarada iyo Fanka ee Rwanda, Dr. Utumatwishima Jean Nebo Abdallah, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Jinsiga, Dhaqanka iyo Horumarinta Bulshada ee Uganda, Asamo Helen Grase, Wasiirka Dhallinyarada iyo Dhaqanka ee Jabuuti, Dr. Hibo Maxamuud Casoowe, Wasiirka Dhaqanka iyo Warfaafinta ee Soomaaliya, Daa'uud Aweys, Wasiirka Arrimaha Bulshada Bariga Afrika, Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dhaqanka ee Burundi, Gerfays Abayeho, Wakiilka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Yolande Elebe Ma Ndembo
Masuuliyiintan ayaa si rasmi ah loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Bole, iyadoo ay soo dhaweeyeen Wasiirka Dhaqanka iyo Ciyaaraha ee Itoobiya, Shewit Shanka, iyo mas’uuliyiin kale.
Bandhiggan oo ah kii labaad ee noociisa ah, waxa uu xambaarsan yahay hal-ku-dhegga "Fanka iyo Dhaqanka oo Xoojinaya Iskaashi Waara." Waxa uu Addis Ababa ka bilaaban doonaa berri, iyadoo la filayo in ay ka qeybgalaan wufuud sare oo ka socota dalalka Bariga Afrika.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya