Waxaa taageero loo fidin doonaa sidii loo horumarin lahaa ciyaaraha Jimnaastiga Itoobiya – Morinaare Watanabe

Addis Ababa, Cuur/Magaabiit 25/2017 (ENA): – Morinaare Watanabe, oo ah Guddoomiyaha Xiriirka Jimnaastiga Adduunka, ayaa sheegay inay bixin doonaan taageerada lagama maarmaanka u ah horumarinta Jimnaastiga Itoobiya.

Guddoomiyaha ayaa wuxuu laba maalmood ku sugnaa dalka Itoobiya; wuxuuna kulamo la qaatay madaxda wasaarada dhaqanka iyo ciyaaraha iyo gudiga Oloombikada Itoobiya,madaxwaynaha iyo madaxda xidhiidhka jimnaastiga ee Itoobiya iyo madaxda xidhiidhka jimnaastiga ee Addis Ababa.

Madaxwaynuhu wuxuu muujiyay rabitaankiisa ah in uu taageero dhaqaale iyo mid agab ahba ku bixiyo horumarinta Jimnaastiga Itoobiya iyo in uu sii wado la shaqaynta Xidhiidhka Jimnaastiga Itoobiya.


 

Madaxweynaha ayaa ku booriyay Xiriirka Jimicsiga ee Itoobiya in uu sii wado shaqadiisa, wuxuuna ugu baaqay daneeyayaasha dhanka ciyaaraha in ay si wada jir ah uga wada shaqeeyaan kobaca ciyaarahan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la sii wado xoojjinta xiriirka caalamiga ah iyo tababarrada.


 

Gudoomiyaha Xidhiidhka Jimnaastiga Itoobiya mudane Taakele ayaa sheegay in uu xidhiidhku sii wadi doono sidii loo samayn lahaa xidhiidh caalami ah iyo mid qaaradeed oo kani lamid ah.

Gabagabdii, wasaaradda dhaqanka iyo ciyaaraha ayaa sheegtay in Morinaare Watanabe oo ah Madaxa Xiriirka Jimnaastiga Adduunka uu booqday Mashaariicyada horumarineed ee ka socda Addis Ababa.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015