Madaxweyne Musefeni ayaa booqday Juba xilli xiisad ay ka taagan tahay dalka hodanka ku ah Saliidda ee Bariga Afrika - ENA Af-Soomaali
Madaxweyne Musefeni ayaa booqday Juba xilli xiisad ay ka taagan tahay dalka hodanka ku ah Saliidda ee Bariga Afrika

Addis Ababa, Cuur/ Magaabiit 26/2017 (ENA): Madaxweynaha Uganda, Yoweri Musefeni, ayaa Khamiistii gaaray caasimadda Koonfurta Suudaan ee Juba si uu booqasho rasmi ah ugu sameeyo.
Booqashada Musefeni ee Juba waxay ku soo beegmaysaa xilli xiisad ay ka taagan tahay dalka hodanka ku ah saliidda ee Bariga Afrika, kadib markii Riek Majaar, oo ka mid ah madaxweyne ku xigeennada dalka, la xiray dhammaadkii bishii hore.
Musefeni waxaa garoonka caalamiga ah ee Juba ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salfa Kiir.
Labada hoggaamiye ayaa yeeshay kulan gaar ah ka hor inta uusan Musefeni dib ugu laaban Uganda. Toddobaadyadii u dambeeyay, xiisadda dalka ayaa sii kordhayay kadib xarigga Majaar.
Kooxda siyaasadeed ee Majaar ayaa sheegtay in heshiiskii 2018-kii, oo saldhig u ahaa xasilloonida dalka kadib dagaalkii sokeeye ee naxdinta lahaa, uu gebi ahaanba burburay, taasoo cabsi gelisay in dib loogu laabto dagaal, maadaama ciidamada dawladda ee taabacsan Kiir ay dagaal kula jiraan askar iyo maleeshiyaad daacad u ah Majaar.
Booqashada Musefeni ayaa sidoo kale ku soo beegantay xilli dhexdhexaadiyeyaasha Midowga Afrika ay gaareen caasimadda Koonfurta Suudaan si ay u qiimeeyaan xaaladda dalka.
#Uganda
#KoonfurtaSuudaan
#XiisaddaKoonfurtaSuudaan