Dhismeyaasha Qolalka Isgaarsiinta Casriga ah ee yoban hay’adood oo heer Federaalka ah iyo Dhammaan Dowlad-deegaannada ayaa gabagabo maraya – Wasaaradda Hal-abuurka iyo Tiknoolajiyadda - ENA Af-Soomaali
Dhismeyaasha Qolalka Isgaarsiinta Casriga ah ee yoban hay’adood oo heer Federaalka ah iyo Dhammaan Dowlad-deegaannada ayaa gabagabo maraya – Wasaaradda Hal-abuurka iyo Tiknoolajiyadda

Addis Ababa, Cuur/Megabit 26, 2017 T.I. (ENA): Wasaaradda Hal-abuurka iyo Tiknoolajiyadda ayaa sheegay in dhismaha qolal isgaarsiineed ee casri ah laga hirgelinayo toban hay’adood oo federaal ah, dhammaan dowlad-deegaanada iyo labada maamul magaalo, isla markaana ay marayaan heer gabagabo ah.
Qolalkan isgaarsiinta casriga ah waxaa lagu qalabeeyay teknoloojiyad casri ah, nalal smart ah, qalab horumarsan oo loogu talagalay shirarka fogaan-aragga ah iyo kuwa codka, kaabeyaasha shabakadaha, iyo qalab dhimiya dhawaaqa. Waxaa kale oo lagu daray jawi qurxoon oo leh qaboojiye hawada ah.
In ka badan labo sano kahor, iyadoo la kaashanayo maalgelin uu sameeyay Bangiga Adduunka isla markaana ay hagayso Wasaaradda Hal-abuurka iyo Tiknoolajiyadda, ayaa la dhisay qolal smart ah oo ku yaalla shan hay’adood oo heer federaal ah, kuwaas oo haatan shaqaynaya isla markaana adeegyo bixinaya.
Wasiiru dawlaha wasaarada Hal-abuurka iyo Tiknoolajiyadda,,Yeshurun Alamayo ayaa sheegay in qolalkan smart-gu ay yihiin kuwo casri ah oo wax ka tari kara dhimista kharashaadka iyo waqti lumiska.
Qolalkan waxaa loo qaabeeyay inay taageeraan shirarka iyo tababarada kala duwan, waxaana ku rakiban qalab digital ah oo ka caawiya bandhigyada qoraalka ah.
Ilaa iyo hadda, shan hay’adood ayaa leh dhismayaaha smartiga ah oo shaqaynaya. Waxaana socda dhismaha 24 dhismo oo smart ah oo laga hirgelinayo Deegaanada iyo hay’ado federaal ah oo la xulay.
Wasiiru dawlaha wuxuu intaas ku daray in mashruuca dhismaha oo lagu fulinayo miisaaniyad dhan 4 milyan oo doolar oo uu bixiyay Bangiga Adduunka,taas ol la filayo in lagu soo gabagabeeyo muddo hal sano gudahood ah. Dhismaha haatan wuxuu ka socdaa deegaanada, maamulada magaalooyinka, iyo toban hay’adood oo heer federaal ah.
Surafel Dhiriba, oo ah Injineer dhinaca Amniga Internet-ka (Cybersecurity) ah oo ka tirsan Barnaamijka Aqoonsiga Qaranka, ayaa u sheegay ENA in qolalka isgaarsiinta smart-ku aysan ahayn oo kaliya kuwo ku dhisan tignoolajiyad, balse sidoo kale ay qaadi karaan illaa 25 qof mar qura.
Wuxuu intaas ku daray in qolku u suurogeliyo in shirar lagu qabto iyadoo aysan jirin wax caqabada ah oo dhinaca khadka ah, isla markaana uu door weyn ka ciyaaro sugidda amniga xogta.
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #Itoobiya