Shir wax ku ool ah oo ku saabsan isbeddelka cimilada ayaa loo diyaargaroobayaa in lagu qabto Itoobiya

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 3/2017 (ENA): Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Itoobiya ayaa sheegtay in diyaar garow lagu jiro si si hufan loo qabto shirweynaha labaad ee Afrika ee isbeddelka cimilada.

Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Dr. Fitsum Asafaa iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Gedhiyoon Timootiwoas ayaa yeeshay wadahadal la xiriira qabsoomidda shirkan, iyadoo ay weheliyaan Guddoomiyaha Beeraha iyo Horumarinta Miyiga ee Komishinka Midowga Afrika Moosas Filakati.

Wadahadalkaasi waxaa lagu caddeeyay in shirkaasi uu qayb ka noqon doono dadaallada lagu horumarinayo ajandaha Afrika ee isbeddelka cimilada.


 

Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay inay si wadajir ah u shaqeeyaan si shirkaasi uu u noqdo mid miro dhal ah.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in shirkaasi uu muhiim u yahay xallinta saameynta taban ee isbeddelka cimilada hawada, isla markaana uu gacan ka geysan doono horumarka waara ee dalka.

Intaa waxaa dheer, shirka ayaa loo arkaa fursad weyn oo lagu mideeyo codka Afrika si si wadajir ah loola tacaalo caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada.

Shirka labaad ee Midowga Afrika ee isbeddelka cimilada ayaa lagu wadaa in lagu qabto magaalada Addis Ababa bisha Kodxin/Maskerem ee foodda inagu soo haysa.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015