Waxaa la tilmaamay in shaqo wanaagsan laga qabtay fidinta nidaamka dhijitaalka ah iyo kobcinta awoodda shaqaale karti leh - ENA Af-Soomaali
Waxaa la tilmaamay in shaqo wanaagsan laga qabtay fidinta nidaamka dhijitaalka ah iyo kobcinta awoodda shaqaale karti leh

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 6/2017 (ENA): Wasiirka Hal-abuurka iyo Tignoolajiyada, Dr. Balate Molla, ayaa sheegay in muddo sagaal bilood ah oo sanad-miisaaniyadeedka ah ay si wanaagsan uga shaqeeyeen fidinta nidaamka dhijitaalka ah iyo kobcinta awooda shaqaale xirfad leh.
Dr. Balate waxa uu sheegay in guulaha la gaaray ee la xiriira hirgelinta qorshayaasha qaran iyo dhaqangelinta qorshaha dhaqaalaha guud muddadaas sagaalka bilood ah ee rubuca saddexaad ee sanad-miisaaniyadeedkan.
Wasiirku wuxuu ku nuux-nuuxsaday in yoolasha wasaaraddu ay ka mid yihiin fidinta dhijitaalka, ballaarinta kaabayaasha aasaasiga ah, horumarinta nidaamka casriga ah ee maamulka, iyo xoojinta hal-abuurka la xiriira abuurista shaqooyinka.
Wuxuu sidoo kale sheegay in ay jiraan hawlo ballaaran oo si wadajir ah looga wado qaybta gaarka loo leeyahay, isla markaana isbeddello la taaban karo laga sameeyay dhanka dhijitaalka.
Waxaa uu tilmaamay in dhaqaalaha dhijitaalka ah, oo ay ku jirto adeegsiga adeegyada sida Telebirr, uu suurta geliyey socodsiinta lacag dhan 800 bilyan oo birr muddo sagaal bilood ah gudaheed, taasoo uu ku tilmaamay guul weyn.
Sidoo kale wuxuu sheegay in fidinta nidaamka dhijitaalka ah ay yareynayso kharashaadka badan ee dhaqaalaha ku baxa, taasina ay tahay faa’iido weyn oo la gaarey.
Dhinaca horumarinta awooda shaqaalaha, ayuu xusay in laga soo bilaabo bishii Hamle ee la soo dhaafay, mashruuca “5 Million Coders Initiative” ay iska diiwaan geliyeen 688,000 Itoobiyaan ah oo tababar qaadanaya, halka 270,000 oo ka mid ahna ay tababarkooda dhammaysteen oo ay heleen shahaadooyin caalami ah.
Dr. Balete ayaa sidoo kale sheegay in tani ay caddeyn u tahay in shaqooyin la taaban karo laga qabtay dhismaha dhaqaalaha dhijitaalka ah.
Ugu dambeyn, wuxuu xusay in la wado diyaarin iyo hirgelin istiraatiijiyado qaran oo cusub si loo gaaro mustaqbalka natiijooyin ka sii wanaagsan.