Shaqsiyaad ku kaadiyay hareeraha waddooyinka ayaa lagu ganaaxay 100,000 birr - ENA Af-Soomaali
Shaqsiyaad ku kaadiyay hareeraha waddooyinka ayaa lagu ganaaxay 100,000 birr

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 8/2017 (ENA): Maamulka Magaalada Addis Ababa ayaa shaaciyay in 50 qof oo lagu qabtay iyagoo ku kaadinaya meelaha dadweynuhu maraan sida suuqa Markaato iyo meelo kale, gaar ahaan agagaarka xarumaha dadku isugu yimaadaan, mid walba lagu ganaaxay 2,000 birr, taasoo guud ahaan ka dhigaysa 100,000 birr.
Masuulka ka tirsan waaxda kormeerka iyo fulinta xeerarka magaalada ayaa sheegay in tallaabadan lagu qaaday dadka jebiyay xeerka lambarkiisu yahay 167/2016, kaas oo mamnuucaya in si furan waddooyinka loogu kaajo ama loo wasakheeyo.
Wuxuu sidoo kale xusay in ol’ole wacyigelin ah oo baaxad leh laga sameeyay qaybo kala duwan oo bulshada ah si loo gaarsiiyo muhiimadda nadaafadda iyo ilaalinta bilicda magaalada.
Tallaabooyinka fulinta sharciga ayaana si adag u sii socon doona, sida ay xaqiijiyeen maamulka magaaladu.