Shirkada Guryeynta Federaalka ayaa Qorsheyneysa Inay Soo Bandhigto Farsamada Dhismaha 3D ee Itoobiya - ENA Af-Soomaali
Shirkada Guryeynta Federaalka ayaa Qorsheyneysa Inay Soo Bandhigto Farsamada Dhismaha 3D ee Itoobiya

Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 8, 2017 (ENA) — Shirkada Guryeynta Federaalka ayaa heshiis la saxiixatay Baumeister Group, oo ah shirkad weyn oo fadhigeedu yahay Austria kana shaqeysa farsamada dhismaha casriga ah, si dalka Itoobiya loogu soo bandhigo tiknoolajiyadda dhismaha ee 3D.
Maareeyaha Sshirkada, Mudane Reshad Kemal, ayaa kulan wadatashi ah kula yeeshay magaalada Wopfing ee dalka Austria Masuuliyiinta sare ee shirkadda farsamada dhismaha, si looga wada hadlo hirgelinta tiknoolajiyadda dhismaha ee 3D oo ay Sshirkada damacsan tahay inay isticmaasho.
Sidoo kale, Mudane Reshad Kemal wuxuu ka qeybgalay Bandhigga Caalamiga ah ee Mashiinnada iyo Farsamada Dhismaha oo lagu qabtay magaalada Munich ee dalka Jarmalka, iyadoo ay arrintani qeyb ka ah istiraatiijiyadda Sshirkada ee ballaarinta iyo casriyeynta adeegsiga tiknoolajiyadda dhismaha horumarsan.
Shirkada ayaa horey si ballaaran ugu isticmaashay dalka tiknoolajiyadda dhismaha ee Aluminum Formwork, iyada oo iskaashi la samaysay shirkadda OVID ee iyada ka keenaysa dalka Kuuriyada Koonfureed, waxaana sidoo kale ay dadaal ugu jirtaa hirgelinta dhismaha habka Precast iyada oo la kaashaneysa shirkadda Wanko ee dalka Talyaaniga.
Heshiiskan cusub kadib, waxaa la filayaa in soo bandhigida tiknoolajiyadda dhismaha ee 3D ay Sshirkada ka dhigto mid ka mid ah bixiyeyaasha tiknoolajiyadda dhismaha casriga ah ee jiilka saddexaad ee gudaha warshadaha dhismaha Itoobiya.