Shirka Madasha Saadaasha Cimilada Geeska Afrika ayaa ka furmaya Addis Ababa - ENA Af-Soomaali
Shirka Madasha Saadaasha Cimilada Geeska Afrika ayaa ka furmaya Addis Ababa

Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 8/2017 (ENA):-Shirka 70-aad ee Madasha Aragtida Cimilada Geeska Afrika (GHACOF-70) ayaa ka furmaya Addis Ababa Miicaad/Ginboot 11 iyo 12, 2017 t.i, waxaana madasha lagu qabtaa mawduuca "Adeegyada Cimilada: Xoojinta Awoodaha Digniinta Hore ee Wadajir."
Madashan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay urur goboleedka IGAD oo ay ka mid tahay hay’adaha ka shaqeeya arrimaha cimilada iyo saadaasha cimilada ee ICPAC oo kaashanaysa hay’adaha horumarinta.
Urur goboleedka IGAD ayaa war qoraal ah oo ay u direen ENA ku sheegay in laga wadahadli doono waxqabadka saadaasha cimilada ee muddada u dhaxaysa Cirir ilaa Miicaad 2025 t.y; iyana in saadaasha cimilada gobollada June ilaa Sebtembar 2025 lagaga dhawaaqi doono madasha.
Waxa kale oo jiri doona dood ku saabsan faa'iidooyinka saadaasha cimilada iyo xeeladaha maamulka. Madashu waxay kulmin doontaa wadamada xubnaha ka ah IGAD, cilmi-baarayaal, siyaasad-dejiyayaal, bah-wadaagta horumarinta, iyo daneeyayaasha.
IGAD ayaa ku dhawaaqday in saadaasha cimilada iyo aqoon-is-weydaarsiyada la xiriira la qaban doono ka hor madasha ugu weyn.
Gabagabadii, waxaa xusid mudan in shirkii 69-aad ee Saadaasha Cimilada Geeska Afrika lagu qabtay Adis Ababa Dharabley/Maskaram 2017.