Tababarkii dhaqancelinta iyo dib u dejinta ee dagaalyahanadii hore, ee hakadka galay ee deegaanka Tigray ayaa bilowday

Meqele; Duugato/Miyaasiya 9/2017 (ENA): Waxaa dib u bilowday tababarkii dhaqancelinta iyo dib u dejinta dagaalyahanadii hore, ee deegaanka Tigray kaas oo hakad Ku yimid hada kahor.

Kormeerayaal iyo wakiilo ka socda Midowga Afrika iyo ururada caalamiga ah ayaa u kuurgalayay habka tababarka dhaqancelinta iyo dib u dejinta ee dagaalyahanadii hore ee gobolka Tigray.


 

Munaasabadda kormeerka waxaa kasoo qeyb galay Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Dibu-heshiisiinta, Temesgen Tilahun, Madaxa Xafiiska Nabadda iyo Amniga ee Maamulka KMG ah ee Deegaanka Tigray, Lieutenant General Fiseha Kidanu, Madaxa Hawlgalka Kormeerka, Xaqiijinta iyo Ilaalinta Heshiiska Pretoria ee Midowga Afrika, Major General Samad Alade, iyo sidoo kale wakiillo ka socday bah-wadaagta horumarka gudaha iyo dibadda iyo safaaradaha.


 

Guddiga Qaran ee dhaqancelinta ayaa horey u hakiyay tababarka dib iyo dibu-heshiisiinta ee dagaalyahannadii hore ee deegaanka Tigray.

Maanta, habka hub-ka-dhigista, diiwaangelinta, iyo bixinta tababarka dhaqancelinta ee dagaalyahannadii hore si ay bulshada dib ula midoobaan ayaa si rasmi ah uga bilowday Xarunta Tababarka dhaqancelinta iyo Dib u dejinta ee Mekelle.

Waxaa la ogsoonahay in hawlaha tababarka dhaqancelinta iyo dib u dejinta ee loogu talagalay dagaalyahannadii hore ee deegaanka tigray ay si rasmi ah u bilaabatay Hidaar 14, 2017.

#Wakaaladda_Wararka_Ethiopia #ENA #Ethiopia

Wakaalada Warka Itoobiya
2015