Xarunta Shaybaadhka Xoolaha ee gobolka Liibaan ayaa si rasmi ah xadhiga looga jaray - ENA Af-Soomaali
Xarunta Shaybaadhka Xoolaha ee gobolka Liibaan ayaa si rasmi ah xadhiga looga jaray

Filtu, Duugato/ Miyaasiya 9/2017 (ENA): Inj. Maxamed Shaale, madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida oo ay wehelinayaan Madaxa Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS Cabdiqaadir Iiman (PhD) iyo Gudoomiyaha Gobolka Liibaan mudane Cabdulaahi Yuusuf ayaa si rasmi ah xadhiga uga jaray Xarunta shaybaadhka caafimaadka xoolaha ee gobolka Liibaan oo laga hirgaliyay degmada Filtu.
Xaruntani shaybaadhka xoolaha oo ay ku baxday aduun lacageed oo dhan 122 milyan oo birr ayaa lagu wadaa in ay adeegyada shaybaadhka & Daawaynta xoolaha siini doonto gobolada Af-dheer, Liibaan & Daawa.
Xaruntani Shaybaadhka Caafimaadka Xoolaha oo uu fuliyay mashruuca Horumarinta Hab-nololeedka Bulshada Xoolo-dhaqatada iyo Xoolo-dhaqato-beeralayda deegaanka ee LLRP ayaa adeega daawaynta iyo baadhitaanka caafimaadka xoolaha siindoontaa bulshada degmooyinka gobolada Liibaan, Afdheer iyo Daawa sida ay masuuliyintu ka sheegeen munasabadii xadhig-jarka xaruntan.
Intaas uun maahee, xaruntan oo noqonaysa mid heer gobol ah ayaa sidoo kale bixin doonta adeegyada ay kamid ka yihiin; sahminta iyo baadhista cudurada xoolaha, fulinta talaalada kaladuwan ee cudurada xoolaha, samaynta daraasadaha cudurada cusub, soosaarista tirada iyo liistada cudurada soo jireenka ah ee degmo kaste, taageerada xarumaha iyo rugaha caafimadka xoolaha ee goboladaasi, iyo sidoo kale ka qaybqaadashada soosaarida ardayda barata culuumta caafimaadka xoolaha ee kuliyadaha goboladaasi.