Waaxda Tiknoolajiyadda waxay door muhiim ah ka qaadataa horumarinta dhaqaalaha Itoobiya – Marwo Jaaltu Saani - ENA Af-Soomaali
Waaxda Tiknoolajiyadda waxay door muhiim ah ka qaadataa horumarinta dhaqaalaha Itoobiya – Marwo Jaaltu Saani

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 9/2017 (ENA): Marwo Jaaltu Saani, Wasiirka Magaalooyinka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Itoobiya , ayaa sheegtay in waaxda tiknoolajiyadda ay door weyn ku leedahay horumarinta dhaqaalaha Itoobiya.
Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Hal-abuurka iyo Tiknoolajiyadda iyo hay’adaha la bahwadaagta la ah ayaa kulan is-xogwaraysi ah ka yeeshay waxqabadkii sagaalkii bilood ee sanad-miisaaniyadeedkan 2017.
Marwo Jaaltu Saani oo hadal ka jeedisay kulanka ayaa tilmaantay in isbeddelka dhaqaale ee dalka ka socda uu u baahan yahay ka-qaybgal toos ah iyo mid dadban oo ay ka qayb qaataan dhammaan muwaadiniinta, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in la fahmo shaqooyinka la qabtay.
Waxay intaas ku dartay in marka la shaqaynayo horumarinta dhaqaalaha qaranka, ay muhiim tahay in la baabi’iyo caqabadaha jira lana abuuro jawi wadajir loogu shaqaynayo.
Dhanka kale, Wasiirka Hal-abuurka iyo Tiknoolajiyadda Dr. Belete Molla ayaa xusay in wax badan la qabtay oo la xiriira isbeddelka dhaqaale, horumarinta kaabayaasha, tayeynta awoodda shaqaalaha, iyo fulinta siyaasado iyo istaraatiijiyado muhiim ah.
Wuxuu sidoo kale sheegay in barnaamijka tababarka “Etho Coders” uu gacan weyn ka geystay kobcinta dhaqaalaha dhijitaalka ah, nidaamka maaliyadeed, iyo abuurista fursado shaqo.
Wasiirku wuxuu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la dhiso Itoobiya horumarsan oo dhanka tiknoolajiyadda kaga horreysa wadamada kale, taasina waxay u baahan tahay dadaal xooggan iyo qorshe mideysan.