Gawaadhi loo adeegsan doono adeegyada caafimaadka ayaa loo qaybiyay Afar Dowlad Deegaan - ENA Af-Soomaali
Gawaadhi loo adeegsan doono adeegyada caafimaadka ayaa loo qaybiyay Afar Dowlad Deegaan

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 9/2017 (ENA): Taageero dhaqaale oo ka timid Midowga Yurub, ayaa gargaar la siiyay afar dowlad deegaan, gawaaridan caafimaad ayaa waxaa ma mid ah ambulaansiyo, mootooyin, iyo gaadiid kale oo muhiim ah.
Dowlad Deegaanada gargaarkan helay waa: Canfarta, Benishangul Gumus, Soomaali, iyo Gaambeella.
Wadarta qiimaha gaadiidkan ayaa dhan 160 milyan oo Birr, iyadoo la bixiyay 16 ambulaans, 30 mooto caafimaad, iyo 9 gaadiid kale oo kala duwan.
Munaasabadda wareejinta ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Caafimaadka Dr. Maqdhas Dhaabaa, wakiillo ka socday Midowga Yurub, madaxda wasaaradaha caafimaadka ee dowlad deegaanada, mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda, iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.
Wasiiraddu waxay sheegtay in dadaallo xooggan lagu bixinayo horumarinta dowlad deegaanada si siman, gaar ahaan kuwa horumar ahaan dib u dhacsan.
Ugu dambayntii, waxay xustay in taageeradan ay muhiim u tahay yareynta dhimashada hooyooyinka iyo carruurta, taasoo qayb ka ah dadaallada xukuumaddu ku doonayso in lagu horumariyo adeegyada caafimaad ee salka ku haya sinnaanta jinsiga iyo wax ka qabashada arrimaha bulshada ee saameynta ku leh caafimaadka.
#Itoobiya #Caafimaadka #Midowga_Yurub #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya