Danjire Birhanu Tsegaaye ayaa ayaa la guddoonsiiyay Abaalmarinta Qaranka ee Jabuuti

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 9/2017 (ENA): Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya, Danjire Birhanu Tsegaaye, ayaa maanta lagu maamuusay abaalmarinta qaran ee dalka Jabuuti.

Danjire Birhanu ayaa sheegay inuu si weyn ugu farxay in la gudoonsiiyo billadda qaranka ee “June 27 Officer Dans la Légion d’Honneur” oo uu ka guddoomay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Cabdiqaadir Kaamil, sida uu ku sheegay fariin uu soo dhigay bartiisa baraha bulshada.


 

Danjiruhu wuxuu uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, taageerada joogtada ah iyo doorka uu ka qaatay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Wuxuu intaas ku daray in Jabuuti tahay dalkiisa labaad, isla markaana xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo Jabuuti uu yahay mid ku saleysan saaxiibtinimo qoto dheer iyo walaaltinimo soo jireen ah oo ka dhaxeysa labada shacab.


 

Sidoo kale, wuxuu xusay in iskaashiga dhaqaale ee labada waddan uu tusaale u yahay wada shaqeynta sii kordheysa ee labada dal ay ku leeyihiin arrimaha gobolka iyo Afrika oo dhan.

Ugu dambeyntii, Danjire Birhanu wuxuu uga mahadceliyay dowladda Jabuuti taageerada ay u muujiyeen intii uu joogay dalkooda.

#Itoobiya #Wakaaladda_Warka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015