Hawlgaladda qorshaysan ee lagula dagaallamayo dambiyada lagu dhibaateeyo bulshada ayaa la sii xoojin doonaa - ENA Af-Soomaali
Hawlgaladda qorshaysan ee lagula dagaallamayo dambiyada lagu dhibaateeyo bulshada ayaa la sii xoojin doonaa

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 9/2017 (ENA): Taliyeyaasha sare ee Booliiska Federaalka iyo kuwa magaalada Addis Ababa ayaa si wadajir ah u qiimeeyey xaaladda amniga ee magaalada Addis Ababa.
Kulanka ayaa lagu sheegay in hawlgallo qorshaysan oo laga sameeyey dhammaan degmooyinka magaalada Addis Ababa lagu qabtay dad lagu tuhunsan yahay dilal, ganacsi sharci darro ah, afduubasho dad, iyo dambiyo kale oo la xiriira amniga.
Waxaa sidoo kale gacanta lagu dhigay eedeysanayaal ku lug lahaa xatooyo baabuur, hub sharci darro ah, ka ganacsiga maandooriyaha iyo dawooyinka sharci darrada ah, xatooyada telefoonka gacanta, iyo xatooyo ka dhan ah qaybaha baabuurta sida taayirrada iyo taangiyada shidaalka.
Booliiska Federaalka ayaa sheegay in hawlgalku uu kor u qaaday nabadda iyo amniga magaalada, isla markaana uu hoos u dhigay heerka dambiyada.
Sidoo kale, waxaa la go’aamiyey in hawlgallada qorshaysan ee lagula dagaallamayo dambiyada lagu dhibaateeyo bulshada la xoojiyo oo si joogto ah loo sii wado, iyadoo la kordhinayo iskaashiga hay’adaha ammaanka, la xoojinayo awoodda ilaalinta iyo dabagalka dambiyada, lana dhisayo kalsoonida bulshada ee adeegyada booliiska, la taageerayo ciidamada ilaalinta rayidka ah, iyo in lala shaqeeyo hay’adaha bixiya adeegyada gaadiidka si amniga si buuxda loo sugo.