Maalinta Booliiska ee 116aad ayaa la xusayaa 26-ka bishan - ENA Af-Soomaali
Maalinta Booliiska ee 116aad ayaa la xusayaa 26-ka bishan

Addis Ababa, Duugato / Miyaasiya 9/2017 (ENA): Maalinta Booliiska ee 116aad ayaa la xusayaa Duugato /Miyaasiya 26 iyadoo halku-dhiggeedu yahay “Booliis horumar u ah waddan isbedelay”, waxaana qorshaysan in munaasabado kala duwan lagu xuso.
Iyadoo la maamuusayo maalintaas, waxaa la shaaciyay in tartanka cayaaraha booliiska ee ururka taliyaasha booliiska Bariga Afrika ee 5aad lagu qaban doono garoonka Abebe Biqilaa intii u dhaxaysa Duugato /Miyaasiya 19 ilaa 25, 2017.
Sidoo kale, waxaa jiri doona siminaar iyo madal dood-cilmiyeed ah oo soconaya laga bilaabo Duugato /Miyaasiya 23 ilaa 25, 2017, kuwaasoo lagu qaban doono Matxafka Sayniska, sida ay sheegeen Booliiska Federaalka.
Munaasabadda xuska ugu weyn ee Maalinta Booliiska ee 116aad ayaa dhici doonta Duugato /Miyaasiya 26, 2017, waxaana lagu qaban doonaa fagaaraha Masqalka iyadoo ay dhici doonto dabaaldeg ciidan oo heer sare ah.
Ugu dambayntii, waxaa bulshada lagu booriyay inay ka qaybgalaan barnaamijyadaasi si ay taageeradooda ugu muujiyaan booliiska.