Ilaalinta hawada dalkeenna iyo dardargelinta horumarka taariikhiga ah ayaa ah shaqo aan sii xoojin doono – Letanel Janaraal Yilmaa Mardhaasaa - ENA Af-Soomaali
Ilaalinta hawada dalkeenna iyo dardargelinta horumarka taariikhiga ah ayaa ah shaqo aan sii xoojin doono – Letanel Janaraal Yilmaa Mardhaasaa

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 10/2017 (ENA): Taliyaha Ciidanka Cirka ee Itoobiya, Letanel Janaraal Yilmaa Mardhaasaa, ayaa sheegay in ilaalinta hawada dalkeenna ka sokow, ay si xooggan u wadaan dadaallo lagu soo nooleynayo taariikhda ciidanka cirka Itoobiya.
Janaraalka ayaa u mahadceliyay injineerada iyo farsamayaqaanada dayactiray diyaaraddii DHC-5 Buffalo ee horey uu u isticmaali jiray madaxweynihii hore ee Itoobiya Mangistu Xaylemariyam, xilligii uu dalka ka baxsanayay muddo ka badan 37 sano kahor. Diyaaraddan oo muddo dheer aan adeeg bixinin ayaa dib loogu soo celiyay shaqadii iyadoo lagu sameeyey dayactir buuxa iyo casriyeyn lagu daray tignoolajiyadii ugu dambeysay.
Warbixin kasoo baxday ciidamada difaaca ayaa sheegtay in diyaaradda loo tijaabiyay si isdaba joog ah kadibna dib loogu daray adeegga ciidanka. Janaraalka ayaa sidoo kale xusay inuu arkay dhalinyaro wax soo saar iyo hal-abuur leh oo ka shaqeeya shaqooyinka ciidanka, taasoo muujinaysa kobaca iyo hal-abuurka ka jira.
Taliyaha ayaa caddeeyay in ciidamada qalabka sida, gaar ahaan kuwa cirka, aysan ku koobnayn iibsiga qalab difaac oo kaliya, balse ay dadaal ugu jiraan inay noqdaan kuwo wax soosaara oo madaxbannaan. Waxa uu xusay in ciidanka cirka uu si firfircoon uga qeybqaato mashaariic badan oo kala duwan.
“Ciidan cir oo awood weyn ayaa u baahan dal weyn,” ayuu yiri, isagoo tilmaamay in ciidanka cirka ee Itoobiya uu yahay mid ilaalinaya hawada dalka isla markaana dib u soo nooleynaya taariikhdii ciidanka, una hoggaansamaya isbeddellada casriga ah si uu u noqdo awood qaran.
Diyaaradda DHC-5 Buffalo oo asal ahaan lagu sameeyay Kanada, ayaa leh muhiimad taariikhi ah maadaama ay ahayd diyaaraddii uu madaxweynihii hore ee Itoobiya u adeegsaday baxsashadiisa markii uu dalka ka cararay kuna degay Kenya, sida lagu sheegay qoraal la soo dhigay barta bulshada ee ciidamada difaaca.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #Ciidamada_Difaaca #Ciidanka_Cirka