Isbedelka Cimilada wuxuu baahan yahay hoggaamin wadajir ah iyo tallaabooyin degdeg ah” – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr)

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 10/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa sheegay in isbeddelka cimilada uu yahay dhibaato caalami ah oo u baahan hoggaan wadajir ah iyo qaadashada tallaabooyin degdeg ah si wax looga qabto.

Dr. Abiy wuxuu hadalkan ka jeediyay shirweynaha P4G ee 2025 oo ka dhacay dalka Fiitnaam, kaas oo halku-dhigg looga dhigay ah "Isbedel Cagaaran oo Waara oo Dadka Dhex-dhexaad ka dhigay."

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu uga mahadceliyay dowladda Fiitnaam soo dhaweynta wanaagsan iyo qabanqaabada shirkan muhiimka ah, isaga oo farriin u gudbiyay ka qeybgalayaasha ku saabsan la-dagaalanka isbeddelka cimilada iyo wax ka qabashada arrimaha la xiriira.

Shirkan P4G ee 2025 ayaa diiradda saaray xoojinta horumarinta cagaaran, kobcinta iskaashiga cusub, iyo xaqiijinta yoolalka horumar waara. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu tilmaamay in maalmahan danbe la arkay awoodda midnimada iyo kala-duwanaanta si loo gaaro yoolal wadajir ah.

Dr. Abiy wuxuu carabka ku dhuftay in mashruucyada P4G ay leeyihiin natiijooyin muuqda oo wax-ku-ool ah, isla markaana ay haystaan awood ay ku sii xoojiyaan isbeddelka. Wuxuu sidoo kale sheegay in Itoobiya ay si rasmi ah u codsatay inay martigeliso shirweynaha shanaad ee P4G ee 2027, iyadoo ku hanweyn in ay si wanaagsan u qaban doonto.


 

Shirka 2027-ka ee Itoobiya martigelin doonto, ayaa la qorsheeyay in lagu xoojiyo warshadaha cagaaran, wax ka qabashada isbeddelka cimilada, horumarinta dhallinyarada iyo haweenka, iyadoo isbeddelka cagaaran lagu saleeyn doono sidii qalab muhiim ah.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale xusay in Itoobiya ay ka mid tahay dalalka sida weyn ugu nugul isbeddelka cimilada, balse ay muujinayso dadaal dhab ah oo wax lagaga qabanayo.

Wuxuu tilmaamay in qorshaha Itoobiya ee ilaalinta deegaanka uu si buuxda ula jaanqaadayo ajandaha Qaramada Midoobay ee 2030 iyo ajandaha Midowga Afrika ee 2063, isaga oo xusay in Itoobiya ay diyaar u tahay hirgelinta nidaam wax-ku-ool ah oo ka hortaga cawaaqibka isbeddelka cimilada marka la gaaro 2050.

Waxay Itoobiya dejisay istaraatiijiyad dhaqaale cagaaran, barnaamijyo qaran oo cagaaran, iyo kobcin joogto ah oo dhanka tamarta la cusboonaysiin karo ah, taasoo muujinaysa sida ay uga go’an tahay dhisidda mustaqbal cagaaran.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in waddan keliya uusan awoodin inuu xalliyo dhibaatooyinka cimilada, sidaas darteedna xal u helidda arrintan ay u baahan tahay hoggaan caalami ah iyo is-kaashi degdeg ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015