Kulan lagu falanqaynayo bayaanka cusub ee maamulka iyo isticmaalka dhulka miyiga oo uu soo diyaariyay Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga ee DDS ayaa ka furmay magaalada Jigjiga - ENA Af-Soomaali
Kulan lagu falanqaynayo bayaanka cusub ee maamulka iyo isticmaalka dhulka miyiga oo uu soo diyaariyay Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga ee DDS ayaa ka furmay magaalada Jigjiga

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 10/2017 (ENA): Bayaanka cusub ee maamulka iyo isticmaalka dhulka miyiga oo ah mid dhinacyo badan kaga duwan bayaankii hore ayaa waxaa bayaankan kulankan loogu soo bandhigay qeybaha kala duwan ee xafiisyada heer deegaan, si la iskula falanqeeyo oo ay fikirkooda uga dhiibtaan qeybaha kala duwan ee xafiisyada bahwadaagtu.
Waxaana kulankan kasoo qeybgalay masuuliyiinta Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga DDS, Kuxigeennada Xafiisyada heer deegaan, masuuliyiin ka socotay heer federaal iyo xubno ka kala socday xafiisyada Deegaanka.
Furitaankii kulankan oo uu ka hadlay Madaxa Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga DDS. Inj. Muxiyadiin Cabdi ayaa wuxuu sheegay in dhulka miyiga oo ah kan ugu badan ee ay ku nool yihiin bulshada xoolo-dhaqatada iyo xoolo-dhaqato-beeralayda deegaanku uu bayaankan si cad oo ka duwan bayaankii hore u qeexayo maamulka iyo isticmaalka dhulka miyiga.