In xeedho wadaaga dhaqan laga dhigto, waxaa lagu garab istaagayaa dadka baahan” – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr)

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 10/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa sheegay in dhaqanka xeedhi wadaaga, gaar ahaan xilliyada ciidaha, uu yahay mid lagu garab istaagi karo dadka danyarta ah oo u baahan taageerada.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu hadalkan jeediyay xilli xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu uu u qaybiyay cunto dadka danyarta ah iyo caruurta ay daryeelaan shaqaalaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, taasoo la xiriirta munaasabadda ciidda Masiixiga ee Faasika.

Wuxuu sidoo kale sheegay in sanad walba xilliya ciida sida Ciiddaha Islaamka, Ciida Masiixiga iyo isbeddelka xilliyada, xafiiskiisu bixin doono xeedho wadaag loogu talagalay dadka danyarta ah ee shaqeeya.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in aan loo arkin wax sahlan in la wadaago cuntada, balse waa dhaqan wanaagsan oo mudan in la ilaaliyo. Wuxuu xusay in ay jiraan dad badan oo isku howla inay taageeraan kuwa liita si ay uga farxiyaan xilliyada ciidaha.


 

Markay ciid timaado, dad badan ayaa ka walwala waxa ay ilmahooda siin lahaayeen, halka dadka hantida leh ay si fudud wax u cunaan. Taasoo ah mid u baahan in la saxo.

Wuxuu ugu baaqay bulshada inay ka dhigaan dhaqan inay si wadajir ah u noolaadaan oo ay wax wadaagaan halkii cuntooyinka la khasaarin lahaa, loona sameeyo caado ah in xafiisyada iyo deriskaba la wadaago cuntada marka ciid timaado.

Itoobiya waxay leedahay khayraad ku filan; iyada lafteedu wax kama sugeyso cid kale. Qof walba haddii uu la wadaago waxa uu hayo qof kale, nolol maalmeedka bulshada way buuxsami kartaa,” ayuu yiri.


 

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in wadaagidda xeedhada ay tahay hawl muhiim ah. Dadka la siiyay taageerada ayaa la faray inay cuntada la wadaagaan deriskooda, si ay u muujiyaan wadajirka iyo dhaqanka Itoobiyanimo.

Waxa uu sidoo lale sheegay in “Itoobiya waa dal leh rajo weyn. Adinku waxaad dhaxli doontaan Itoobiya ka wanaagsan mida hadda jirta.”

Waxa uu sheegay in Haddii qalbiyadeennu ay noqdaan kuwa naxariis leh oo taageera dadka baahan, kana dhigtaan dhaqan in wax la wadaago, mustaqbalkeennu wuxuu ka fiicnaan doonaa kan hada.

Ugu dambayntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa mahadnaq u jeediyay dhammaan cidii gacan ka geysatay barnaamijkan, isagoo ku booriyay in si wadajir ah loogu dabaaldego munaasabaddan.

#Itoobiya #Wakaaladda_Warka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015