Bulshada waxaa looga baahan yahay inay ka qaybqaataan nabadgelyada iyo midnimada bulshada— Cabdiqaadir Rashiid - ENA Af-Soomaali
Bulshada waxaa looga baahan yahay inay ka qaybqaataan nabadgelyada iyo midnimada bulshada— Cabdiqaadir Rashiid

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 10/2017 (ENA): Dhawaan ayaa la soo gabogabeeyey socdaal uu hoggaaminayey Madaxweyne Kuxigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax oo loogu kuurgalayey mashaariicaha, xoojinta nabadgelyada iyo baahiyada shacabka.
Haddaba Madaxa Xafiiska Nabadgelyada Deegaanka Soomaalida, Mudane Cabdiqaadir Rashiid ayaa sheegay in xukuumada DDS ay ka go'antahay dhisidda midnimada shacabka, adkaynta amniga iyo wada noolaanshaha bulshada walaalaha ah si loo hirgaliyo qorshayaasha horumarineed ee xukuumadda.
Ugu dambayntii waxa uu sheegay in socdaalkii lagu soo maray goballada uu dhaliyey natijooyin muhiim ah oo isku xidhaya bulshada iyo hay'adaha nabadgelyada deegaanka.