Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan ayaa heshiis ku gaaray xoojinta iskaashiga labada dal - ENA Af-Soomaali
Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan ayaa heshiis ku gaaray xoojinta iskaashiga labada dal

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 10/2017 (ENA): Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan ayaa ku heshiiyeen in ay sii xoojiyaan iskaashiga ka dhaxeeya labada waddan iyaga oo ku saleynaya duruufaha iyo fursadaha jira.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Dr. Gedhiyoon Timootiwoos ayaa la kulmay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Koonfurta Suudaan, Danjire Manday Samaaya Kumba, iyaga oo ka wadahadlay arrimo badan oo labada dal khuseeya iyo arrimo gobolka ah.
Intii uu socday wadahadalka, Dr. Gedhiyoon Timootiwoos waxa uu si rasmi ah ugu hambalyeeyay Danjire Manday Samaaya Kumba magacaabistiisa cusub ee Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Koonfurta Suudaan.
Sidoo kale, Dr. Gedhiyoon wuxuu xusay in Itoobiya ay ka go’an tahay in si dhow ula shaqeyso Wasiirka cusub si loo xoojiyo xiriirka labo geesoodka ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan.
Danjire Manday, isaguna dhiniciisa, wuxuu muujiyay rabitaankiisa ah in la sii adkeeyo xiriirka siyaasadeed iyo midka dhaqaale ee qotada dheer ee u dhexeeya labada dal.
Ugu dambayntii, labada wasiir waxay sidoo kale carabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay xasilloonida iyo nabadda gobolka, iyaga oo isla gartay in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii loo gaari lahaa hadafkaas, sida lagu sheegay xog ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya.
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #Itoobiya #Diblomaasiyad