Booqashadii Rasmiga ahayd ee uu Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ku tagay Vietnam waxay muujisay muhiimadda weyn ee dalka Itoobiya leeyahay

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 10/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed, oo ay weheliyaan wafdi sare, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay dalka Vietnam, taas oo noqotay mid guul leh oo markale xaqiijisay in Itoobiya ay tahay dal aad muhiim u ah. Ma aha oo kaliya sababta juqraafiyeed ama siyaasad-goboleedka, balse sidoo kale waxaa jira aragti horumarineed oo casri ah iyo qaab-dhaqan wax-ku-ool ah oo dalka ka dhigay safar guul leh oo mudan in la xuso.


 

Dr. Abiy iyo wafdigiisu waxay ahayd markii ugu horreysay muddo ku dhow 50 sano in hoggaamiye Itoobiyaan ah uu booqasho rasmi ah ku tago Vietnam tan iyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal ee soo bilowday sannadkii 1976. Sidaas darteed, booqashadani waxay ahayd mid dib u xoojisay xiriirkii labada dal ee aan heer sare gaadhin tan iyo waagaas.


 

Dowladda Vietnam ayaa si diirran u soo dhoweysay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, iyadoo muujisay qaddarin weyn iyo tixgelin ay u hayaan isaga iyo shacabka Itoobiya. Waxaa jiray kulamo kala duwan oo uu la yeeshay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyo Xoghayaha Xisbiga Shuuciga ee Vietnam, kuwaas oo looga hadlay arrimo ku saabsan iskaashiga laba geesoodka ah, xiriirka caalamiga ah, iyo mashaariicda horumarineed.


 

Wafdiga Itoobiya waxay sidoo kale la kulmeen ganacsato waaweyn iyo shirkado horumarsan oo ku shaqeeya tignoolajiyadda casriga ah sida robotics iyo high-tech industry. Waxa kale oo ay booqdeen mashaariicda dhismaha magaalooyinka sida "Ocean Park".


 

Intii ay joogeen, labada dhinac waxay kala saxiixdeen heshiisyo badan oo ku saabsan iskaashi dhinacyada ganacsiga, maal-gashiga, horumarinta awoodda aadanaha, iyo warshadaha duulista (aviation industry). Waxaa sidoo kale Dr. Abiy ka qaybgalay shirweynaha caalamiga ah ee "P4G – Partnership for Green Growth and Global Goals", halkaas oo uu ku soo bandhigay waayo-aragnimada Itoobiya.


 

Vietnam, oo ka mid ah dalalka Koonfur Bari Aasiya, waxay dhaqaalaha u furtay adduunka sannadkii 1986 iyada oo loo marayo siyaasadda "Đổi Mới" ama dib-u-habayn dhaqaale. Tan iyo markaas, Vietnam waxay ka mid noqotay dalalka ugu horumarka badan, iyadoo laga saaray liiska dalalka saboolka ah looguna beddelay kuwa dakhliga dhexe leh.


 

Maanta, Vietnam waxay nafteeda ku filan tahay xagga cuntada, waxayna noqotay hormuud xagga dhoofinta wax-soo-saarka beeraha sida bariiska, bunka, iyo khudradda. Waxaa kale oo ay noqotay xarun warshado sare leh (industry hub), iyadoo dhoofisa qalabka elektarooniga ah, dharka, iyo agabka kale ee la farsameeyo.


 

Siyaasadda adag ee ay hoggaamiso xukuumadda Vietnam, oo ay ku lamaan tahay qorshe horumarineed oo xoogga saaraya wax-soo-saarka iyo ganacsiga, ayaa lagu tilmaamaa sababta ay dalkaasi ugu guulaystay koboc dhaqaale iyo horumar ballaaran.

Sidaa darteed, booqashadii Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ee Vietnam waxay muujisay muhiimadda ay Itoobiya leedahay, waxayna kor u qaadday xiriirka istaraatijiyadeed ee labada dal, taas oo la filayo in ay si qoto dheer u sii xoojiso iskaashiga mustaqbalka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015