Degmada Qabridahar ayaa agab u qaybisay qaar kamid dadkii ay saamaysay Fatahaadaha roobabkii dhawaan da'ay - ENA Af-Soomaali
Degmada Qabridahar ayaa agab u qaybisay qaar kamid dadkii ay saamaysay Fatahaadaha roobabkii dhawaan da'ay

Qabridahar; Duugato/Miyaaziya 11,2017 (ENA): Maamulka degmada Qabridahar ayaa agab iskugu Jira bacaha roobka iyo maro-kaneecooyin gaadhsiiyay tuulada Tukaaley ee degmada Qabridahar oo ay saamaysay fatahaad ka dhalatay roobabkii ka da'ay aagaasi.
Fatahaadan oo ay sababtay roobab waawayn oo ka da'ay degmada Qabridahar ayaa saamaysay qoysas kor udhaafaya 250 qoys sida ay sheegeen maamulka degmadu, sidoo kalena masuuliyiinta ayaa sheegay in agabkan uu waxbadan ka tari doono baahid qoysaskan ay fatahaadu saamaysay.