Itoobiya ayaa Dooneysa Inay Xoojiso Iskaashiga Dalxiiska ee ay la Leedahay Talyaaniga — Danjire Dhamitu Hambisa - ENA Af-Soomaali
Itoobiya ayaa Dooneysa Inay Xoojiso Iskaashiga Dalxiiska ee ay la Leedahay Talyaaniga — Danjire Dhamitu Hambisa

Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 11, 2017 (ENA) — Danjiraha Itoobiya ee Talyaaniga, Demitu Hambisa Ayala sheegtay in Itoobiya ay doonayso inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay Talyaaniga, gaar ahaan dhanka dalxiiska.
Danjire Dhamitu ayaa wadahadal la yeelatay Simone Landini oo ah La-taliyaha Wasaaradda Dalxiiska ee Talyaaniga iyo Filippo Mancuso (Dr.), Madaxweyne ku xigeenka Golaha Deegaanka Calabria.
Intii lagu guda jiray wadahadalka, Danjiraha ayaa iftiimisay sida sare ee dowladda Itoobiya ay mudnaanta u siiso horumarinta qeybta dalxiiska.
Sidoo kale, waxay adkaysay in Itoobiya ay aad ugu heelan tahay in ay sii xoojiso iskaashiga ay la leedahay Talyaaniga ee dhinaca warshadaha dalxiiska.
Labada dhinacba waxay isla garteen in ay si wadajir ah ugu shaqeeyaan dhameystirka heshiis iskaashi oo dhex mara Wasaaradaha Dalxiiska ee labada dal.
Xogta laga helayo safaaradda Itoobiya ee Roma ayaa sheegaysa in, Dnajire Dhamitu, ay wadahadala la yeelatay Madaxweyne ku-xigeenka Golaha Deegaanka Calabria, waxayna isku afgarteen in la iska kaashado sidii maalgashadayaasha gobolkaasi ay uga qayb qaadan lahaayeen ganacsiga iyo maalgashiga dalka Itoobiya,.
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #ENA