Mudane Aadan Faarax ayaa u Diray Farriinta Hambalyada Ciidda Faasikaaga

Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 11, 2017 (ENA) — Mudane Adan Faarax Madaxa Xarunta Dhisida Nidaamka Dimuqraadiyadda lehna Darajada Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo, ayaa farriin hambalyo ah u diray dhammaan dadka aaminsan diinta kiristank xuska munaasabadda Faasikaaga.

Farriin uu ku baahiyay bartiisa baraha bulshada, Mudane Adan faarax wuxuu ku sheegay in xilliga ciidda la xusayo ay muhiim tahay in la xasuusnaado oo la garab istaagga dadka danyarta, ah, in la quudiyo kuwa gaajaysan, lana waraabiyo kuwa harraadan— isagoo carabka ku adkeeyay in arimaha noocaas ahi ay yihiin astaanta dhabta ah ee bini’aadannimada isla markaana ay ka turjumayaan qiyamka naxariista ee dadka Itoobiyaanka ah.

Wuxuu si gaar ah ugu baaqay hoggaamiyeyaasha, xubnaha, iyo taageerayaasha Xisbiga Barwaaqo in ay ciidda u dabaaldegaan iyagoo xoojinaya ballan-qaadkooda ku aaddan mabaadi’da xisbiga ee bini’aadantinimada iyo garab istaagga bulshada, isla markaana sii wadaan dadaalladooda si joogto ah.

Wuxuu farriintiisa ku soo gunaanaday isagoo rajaynaya in ciiddu noqoto mid lagu wadaago jacayl, farxad iyo nabad.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015