Kulan lagu adkaynayay nabadgalyada iyo arrimaha xuduudaha ee gobolka Shabeelle ayaa ka qabsoomay degmada Cadaadle - ENA Af-Soomaali
Kulan lagu adkaynayay nabadgalyada iyo arrimaha xuduudaha ee gobolka Shabeelle ayaa ka qabsoomay degmada Cadaadle

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 11/2017 (ENA): Kulankan oo ay shirgudoon ka ahaayeen Madaxa Xafiiska Arimaha Bulshada DDS, Madaxa Xafiiska Biyaha DDS iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeelle ayaa waxaa kasoo qaybgalay maamulka gobolka, kan degmada Cadaadle, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee shacabka.
Masuuliyiinta ayaa bulshada usoo jeediyay muhiimada amniga, iyagoona faray in ka bulsho ahaan laga feejignaado fikiradaha xun-xun ee ururada argagixisada ah, nabadgalyadana lagala shaqeeyo hay'adaha amniga.
Shacabka ayaa geestooda balanqaaday in ay ka shaqaynayaan amniga iyo hormarka gobalka.
Masuuliyiinta ayaa ugu dambayntii sharaxaad dheer ka bixiyay waxqabadka muuqda ee isbadalkii kadib xukuumadu ka hirgalisay guud ahaan deeganka gaar ahaana gobolka Shabeelle.