Shirkadda Diyaaraddaha Itoobiya oo si ku-meel-gaar ah u joojisay duulimaadkii ay ku tagi jirtay magaalada Enugu ee dalka Nayjeeriya - ENA Af-Soomaali
Shirkadda Diyaaraddaha Itoobiya oo si ku-meel-gaar ah u joojisay duulimaadkii ay ku tagi jirtay magaalada Enugu ee dalka Nayjeeriya

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 13/2017 (ENA): Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya ayaa shaacisay inay si ku-meel-gaar ah u joojisay duulimaadkii ay ku tagi jirtay garoonka caalamiga ah ee Akanu Ibiyam ee magaalada Enugu ee dalka Nayjeeriya, illaa iyo 28-ka bisha Duugato/Miyaasiya 2017 T.I.
Shirkaddu waxay sheegtay in sababta loo joojiyey duulimaadkaasi ay tahay hawlo dayactir oo ka socda garoonka diyaaradaha.
Shirkadda Diyaaraddaha Itoobiya waxay raalligelin ka bixisay dhib kasta oo go’aankani uu u keeni karo rakaabka, waxayna ku sheegtay in go’aankan loo qaatay si loo ilaaliyo badbaadada rakaabka.
Sidoo kale, waxay ku wargelisay rakaabka in wixii su’aalo ah ay kala xiriiri karaan xafiisyada hoose:
Xarunta Dhexe ee Wicitaanka ee adeega Macaamiisha Caalamiga ah ee shirkadda: +251 116 179 900
Xafiiska Enugu ee Shirkadda Diyaaraddaha Itoobiya: +2347033745716, +2349033265850
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #Itoobiya #Shirkadda_Diyaaraddaha_Itoobiya