Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) booqashadii uu ku tegay Vietnam waxay ahayd mid uu waayo-aragnimo badan uga helay dhinacyo badan – Bil-lene Siyum - ENA Af-Soomaali
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) booqashadii uu ku tegay Vietnam waxay ahayd mid uu waayo-aragnimo badan uga helay dhinacyo badan – Bil-lene Siyum

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 13/2017 (ENA): Bil-lene Siyum oo ah Xoghayaha Saxaafada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegtay in booqashadii shaqo ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) uu toddobaadkii tegay ku tagay dalka Vietnam ay ahayd mid muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, isla markaana uu ku helay waayo-aragnimo ballaaran oo ku saabsan dhaqaalaha, warshadaha, beeraha iyo dhinacyo kale.
Waxa uu tilmaamay in Ra’iisul Wasaaruhu uu kulammo muhiim ah la yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Vietnam, islamarkaana ay si qoto dheer uga wadahadleen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac.
Ra’iisul Wasaaraha Vietnam, Fham Minh Jinh, ayaa si diirran u soo dhoweeyey Dr. Abiy, waxayna uga wada hadleen sidii ay labada dal uga wada shaqeyn lahaayeen arrimo badan oo horumarin ah.
Bil-lene Siyum ayaa sheegtay in Vietnam ay caan ku tahay horumarka warshadaha fudud, isla markaana Itoobiya ay ka faa’iidi karto khibradda dalkaasi, gaar ahaan dhinacyada warshadaha, beeraha iyo wax-soo-saarka kale.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sidoo kale booqday mashruuca “magaalada casriga ah” ee Hanoi, taasoo uu ku tilmaamay fursad ay Itoobiya ka baran karto khibradaha caalamiga ah si loo horumariyo mashaariicda magaalooyinka casriga ah ee dalka ka socda.
Ugu dambayntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad uu ka jeediyay shirweynaha P4G kaga hadlay muhiimada ay leedahay in la tixgeliyo ballanqaadyadii la galay ee la xiriira isbeddelka cimilada, isagoo dalbaday in la sameeyo talaabooyin dhab ah oo lagu ilaalinayo deegaanka.