Feytnam waxay Itoobiya uga faa’iidaysan doontaa albaabka ay ka galayso xidhiidhka Afrika – Lagasa Tulu (Dr.)

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 13/2017 (ENA): Wasiirka Adeegga Xidhiidhka Dowladda, Dr. Lagasa Tulu, ayaa sheegay in dalka Feytnam uu Itoobiya u arko in ay tahay waddo istiraatiijiyadeed oo uu Afrika kula xiriiro, halka Itoobiya ay iyaduna Feytnam uga faa’iidaysan doonto sidii waddan ay khibrad dhaqaale iyo horumarin uga baran karto.

Wasiirku wuxuu hadalkan ka sheegay isagoo faallo ka bixinaya booqashadii rasmiga ahayd ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed, uu toddobaadkii hore ku tagay dalka Feytnam.

Dr. Lagasa wuxuu xusay in Feytnam ay tan iyo 1984 samaysay dib-u-habayn dhaqaale oo qoto dheer, taasoo keentay in boqolkiiba 70 ee saboolnimada shacabka dalku meesha ka baxdo, isla markaana dalkaasi maanta uu noqdo mid si weyn u dhoofiya badeecooyinka sida bariiska, bunka iyo khudradda.

Wasiirku wuxuu sheegay in Feytnam ay gaartay horumar weyn oo ku saabsan warshadaha, gaar ahaan kuwa wax dhoofiya, taasoo ay ku timid maalgashi toos ah oo ka yimid shirkado iyo hay’ado caalami ah. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in dalku uu horumarin ku sameeyay warshadaha ku saleysan dhoofinta.

Intii ay socotay booqashada Ra’iisul Wasaaruhu, waxa laga wadahadlay sidii Itoobiya uga faa’iidaysan lahayd khibradda Feytnam ee dhinacyada wax-soo-saarka cuntada, gaar ahaan bariiska, maadaama ay doonayso inay sare u qaaddo madaxbannaanideeda dhanka cuntada.

Wasiirku wuxuu sidoo kale tilmaamay in Feytnam ay khibrad dheer u leedahay dhinacyada beeralayda, khudaarta, bunka, iyo horumarinta warshadaha elektaroonigga, dharka iyo kabaha.

Ugu dambayntii, wuxuu sheegay in labada dal ay wadaagaan qorsheyaal ku saleysan horumar waara ee cagaaran, warshado casri ah, iyo dhisidda kaabayaal dhaqaale sida waddooyinka iyo magaalooyinka waaweyn. Wuxuu hoosta ka xariiqay in iskaashiga labada dal uu horseedi karo is-dhaafsi khibradeed, gaar ahaan dhinacyada farsamada iyo tignoolajiyada.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015