Wasiir Muferixaat Kaamil ayaa sheegtay in ay khibrad ka heleen horumarinta kheyraadka aadanaha safarkii Feytnam

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 13/2017 (ENA): Wasiirka Shaqada iyo Xirfadaha, Marwo Muferixaat Kaamil, ayaa faahfaahin ka bixisay safarkii dhawaan uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ku tegay dalka VietnamFeytnam.

Waxay sheegtay in Feytnam ay si xawli ah uga soo baxday saboolnimada iyada oo hirgelisay dib-u-habeynno waaweyn oo dhinacyo badan taabanaya, gaar ahaan kuwa la xiriira dhaqaalaha.

Waxay tilmaantay in guusha Vietnam ee dhanka dhisidda dhaqaale tartan leh ay salka ku hayso horumarinta kheyraadka aadanaha, iyadoo xoogga la saaray waxbarashada iyo tababarka xirfadeed, lana dejiyay qorshe fog oo qaran oo lagu horumarinayo shaqaalaha.


 

Muferixaat waxay intaas ku dartay in sidoo kale Itoobiya ay bilowday hawlo badan oo la xiriira horumarinta kheyraadka aadanaha, isla markaana ay la saxiixatay Feytnam heshiis ku saabsan iskaashi waxbarasho iyo tababar si loo horumariyo awoodda shaqaalaha.

Waxay xustay in xoogga la saarayo abuurista shaqo iyo kobcinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe, islamarkaana ay halkaas ka barteen khibrad weyn.

Wasiir Muferixaat waxay sidoo kale sheegtay in Feytnam ay horumarinta kheyraadka aadanaha si toos ah ugu xirtay baahiyaha suuqyada shaqada, taasoo keentay in dadka la tababaro ay si fudud uga qaybqaataan horumarinta dhaqaalaha. Waxay sheegtay in Itoobiya ay la jaanqaadeyso jihadaas.

Ugu dambayn, waxay carrabka ku dhufatay in nidaamka tababarka farsamooyinka iyo xirfadaha ee Feytnam uu yahay mid waxtar leh oo deegaanka ilaaliya, sidaas darteedna ay muhiim tahay in nidaamka waxbarasho ee farsamada gacanta iyo xirfadaha ee Itoobiya lagu daro mabda’a horumarka deegaanka u roon, iyadoo la xoojinayo dadaallada arrintaas lagu gaari karo.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015