Booliisku waxay sheegeen in ay qabteen hub sharci-darro ah oo badan iyo 146 eedeysane

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 13/2017 (ENA): Booliiska Federaalka Itoobiya ayaa sheegay in ay qabteen hub sharci-darro ah oo badan mudadii 9-ka bilood ahayd ee sanadkan, iyadoo lala qabtay 146 qof oo loo haysto arrintaas.

Howlgallo qorshaysan oo la qaaday si looga hortago ka ganacsiga hub sharci-darrada ah, waxaa lagu qabtay: 121 hub laga helay guryo, 8,989 hub oo lagu qabtay kooxo nabad-diid ah, 36 hub oo lagu qabtay keelaayada,


 

Sidoo kale, booliisku waxay sheegeen in 6,351 xabbadood oo rasaas ah laga helay guryo shacab, 8,989 xabbadood oo rasaas ah lagu qabtay kooxo nabad-diid ah, 51,846 xabbadoodna lagu qabtay keelaayada.

Waxaa intaa dheer in 236 qalabyo kale oo milatari ah khasnadaha hubka ayaa laga helay guryo, 148 kale oo lagu qabtay keelaayada.

Sidoo kale 1 qoriga Brenka ah ayaa lagu qabtay kooxo nabad-diid ah, 2 qoriga Brenka ahna lagu qabtay keelaayada, halka 31 bambooyin laga helay guryo shacab, 25 bambooyin lagu qabtay kooxo nabad-diid ah, 122 bambooyin lagu qabtay keelaayada.


 

Intaa waxaa dheer in 32 mastoolado sharci-darro ah laga helay guryo shacab, 128 lagu qabtay kooxo nabad-diid ah, halka 102 lagu qabtay keelaayada.

 


 

Waxaa kaloo la helay: 1 qoriga sniberka ah oo laga helay guri shacab, 1 kalena lagu qabtay kooxo nabad-diid ah.

Booliisku waxay sidoo kale caddeeyeen in 146 eedeysane loo hayo arrimahan laguna hayo gacanta sharciga.


 

Ugu dambayn, booliisku waxay ugu baaqeen shacabka inay kaalin ka qaataan la dagaalanka hubka sharci-darrada ah iyagoo adeegsanaya mareegta EFPApp iyo lambarka bilaashka ah ee 991 si ay u soo sheegaan falalka noocaas ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015