Jawiga Habboon ee Ay Dowladdu Abuurtey Waxa Uu Midho Dhal Ka Noqday Qaybta Aan Ka Shaqeyno — Maalgashadayaasha

Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 13, 2017 (ENA) — Maalgashadayaasha ka shaqeeya warshadaynta iyo ganacsiga dhoofinta ayaa sheegay in jawiga habboon ee ay dowladdu abuurtay uu u suurta geliyey inay noqdaan kuwo wax soo saar leh.

Maalgashadayaal badan ayaa haatan ballaarinaya ganacsigooda iyaga oo ka faa’iidaysanaya jawiga ganacsi ee wanaagsan ee laga hirgaliyay Itoobiya.

Gaar ahaan, xarumaha wax-soo-saar ee cusub ee ay dowladdu hirgelisay si loo xoojiyo qaybta warshadaynta ayaa durba bilaabay inay faa’iido ka helaan maalgashadayaal badan.


 

Maalgashadayaashii la hadlay Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) ayaa xusay in taageerada xooggan ee ay dowladdu siineyso, laga bilaabo xoojinta qaybta gaarka loo leeyahay illaa bixinta noocyo kala duwan oo gacan-siinta ah, ay gacan ka geysatay in ay gaaraan natiijooyin la taaban karo.

Dr. Ayneshet Asres, oo ah Maamulaha Guud ee Shirkadda Sabia Water Bottling, ayaa sheegay in shirkaddoodu, oo lix sano ka hor loo aasaasay soo saarista biyaha dhalada lagu shubo, ay haatan marayso heer ay isugu diyaariso inay alaabteeda u dhoofiso dalal kala duwan oo Afrikaan ah.

Wuxuu xusay in kormeerka iyo taageerada dowladda ay door muhiim ah ka ciyaareen guusha shirkaddooda, isaga oo tilmaamay in marka laga soo tago hagaajinta deegaanka ganacsiga, ay dowladdu si weyn u garab istaagtay shirkaddooda.

Waxa uu intaa ku daray in shirkaddiisa loo qoondeeyey goob wax-soo-saar oo ku taalla aagga warshadaha, taas oo u suurta gelisay inay diiradda saaraan horumarinta wax-soo-saarka iyo waxtarka shirkadda.


 

Fasil Tareken, oo ah Maareeyaha Guud ee Macro Farm, ayaa sidoo kale sheegay in xaaladaha wanaagsan ee ay dowladdu abuurtay ay u suurta geliyeen inay si guul leh u dhoofiyaan dalagyada kala duwan ee raashinka iyo miraha saliidda.

Wuxuu sharaxay in dowladdu u fududeysay helitaanka lacagta qalaad, isla markaana ay hadda si habsami leh uga heli karaan badeecooyinka beeraleyda, alaab-qeybiyeyaasha, iyo ururrada iskaashatada.


 

Sidoo kale, wuxuu xusay in dowladda ay si weyn u garab siisay sidii ay ula shaqeyn lahaayeen beeraleyda si ay u keenaan badeecooyin u qalma heerka suuqyada caalamiga ah.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in taageerada dowladdu ay u suurta gelisay shirkaddooda inay si hufan ugu gaarsiiso badeecooyinkooda dalal kala duwan.


 

Maareeyuhu waxa uu xusay in taageerada joogtada ah ee ay dowladdu bixiso ay muhiim u ahayd caawinta maalgashadayaasha ku hawlan qaybta si ay u noqdaan kuwo wax-soo-saar leh oo guul gaara.

Wuxuu intaa ku daray in shirkaddoodu ay ka go’an tahay inay ka faa’iideysato jawiga habboon ee qaybta mirha iyo miraha saliidda si ay u gaaraan natiijooyin ka sii wanaagsan mustaqbalka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015