Furista waaxda Maalgashiga ee Hore Uga Xidhnayd Maalgashadayaasha Shisheeye ayaa Soo Jiidatay Maalgashadayaal Badan Oo Ay S Galaan Itoobiya – Koomishinka Maalgashiga Itoobiya - ENA Af-Soomaali
Furista waaxda Maalgashiga ee Hore Uga Xidhnayd Maalgashadayaasha Shisheeye ayaa Soo Jiidatay Maalgashadayaal Badan Oo Ay S Galaan Itoobiya – Koomishinka Maalgashiga Itoobiya

Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 13, 2017 (ENA): Koomishinka Maalgashiga Itoobiya (EIC) ayaa shaaciyay in furitaanka qaybaha maalgashiga ee horey uga xirnaa maalgashadayaasha shisheeye ay suurtagal ka dhigtay in maalgashadayaal caalami ah oo badan ay yimaadaan Itoobiya.
Wareysi gaar ah oo uu siisay wakaaladda wararka ENA, Komisheerka Koomishinka Maalgashiga Itoobiya, Dr. Zalaqe Temesgen, ayaa sheegtay in Itoobiya ay soo martay geeddi-socod dib-u-habeyn ballaaran toddobadii sano ee la soo dhaafay, isla markaana ay gaadhay guulo la taaban karo.
Koomishinka ayaa xustay in xilliyadii dib-u-habaynta, qaybaha horey uga xidhnaa maalgashadayaasha shisheeye la furay, isla markaana tallaabooyin dib-u-habeyn dhaqaale oo kala duwan la qaaday si loo dhiirrigeliyo maalgashiga.
Waxa uu intaa ku daray in wax-ka-beddelka lagu sameeyay sharciga maalgashiga uu fursad siiyay maalgashadayaasha shisheeye inay ka qaybqaataan qaybaha horey uga xidhnaa maalgashiga.
Koomishineerka ayaa sidoo kale faahfaahiyay in koomishinka Maalgashiga Itoobiya uu u ogolaaday shirkadaha shisheeye inay si buuxda uga qaybqaataan ganacsiga jumlada, tafaariiqda, iyo ganacsiga soo dejinta iyo dhoofinta.
Dowladda, oo sanado badan u xidhnaa qaar ka mid ah qaybaha maalgashiga ee shirkadaha shisheeye, ayaa hadda furtay, kuwaas oo ay ku jiraan qaybaha istiraatiijiga ah sida Ethio Telecom iyo aagagga dhaqaale ee gaarka ah, si loo dhiirrigeliyo ka qaybqaadashada maalgashadayaasha shisheeye oo loo kobciyo maalgashiga.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in koomishinka Maalgashiga uu gaadhay waxqabad sare sagaalkii bilood ee la soo dhaafay, isaga oo tusaale ahaan sameeyay koror dhan 2.4% oo ku yimid maalgashiga tooska ah ee shisheeye (FDI) marka la barbardhigo isla muddadaas sannadkii hore.
Sidoo kale, waxa uu xusay in furitaanka qaybaha ganacsiga jumlada, tafaariiqda, iyo soo dejinta/dhoofinta uu keenay in 40 maalgashade shisheeye ay heleen shatiga maalgashiga, halka 36 kale ay ku jiraan habraaca helitaanka shatiga.
Waxa uu sheegay in Guddiga Maalgashiga Itoobiya uu awood u leeyahay in uu u beddelo dhammaan beeraha warshadaha ee Itoobiya goobo dhaqaale oo gaar ah.
Waxa kale oo uu sheegay in tan iyo markii uu furay aagga ganacsiga xorta ah ee Diridhaba Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed (D.r) uu koomishinka maal-gashigu ku dhiirigelinayeen maalgashadayaasha inay soo galaan aaggaas.
Waxa uu tilmaameen in 11 maalgashi ay galeen, qaarkoodna ay badeecooyin keeneen.
Waxa uu sheegay in dowladdu ay suurtagelineyso in isbedel muuqda ay ku sameyso dib u habeynta dhaqaalaha, isgaarsiinta iyo ganacsigii horey u xirnaa.