Itoobiya ayaa ogolaatay inay ganacsi ka bilawdo xuduudka Mooyaale iyada oo saqafkeedu yahay kun doolar

Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 13/2017 (ENA): Itoobiya iyo Kiinya ayaa ka dib wadahadalo socday laba sano kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo lagu fududeynayo ganacsiga laba geesoodka ah ee ku jira Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, sidaas darteedna saqafkii hore ee ganacsiga badeecadaha ee xuduudka Mooyaale ayaa kor loogu qaaday ilaa Kun doolar.

Heshiiskan, oo lagu soo gabagabeeyay Mombasa, ayaa looga golleeyahay in kor loogu qaado dhaq-dhaqaaqa dhaqaale ee bulshooyinka xuduudaha iyadoo la fududeynayo hababka ganacsiga.

Heshiiska ayaa dhigaya in aagga ganacsiga Itoobiya uu 50 KiiloMitir u jiro Mooyaale, halka Kiinyana ay u jirto 100 KiiliMitir, waxaana ganacsatada ay awood u yeelan doonaan inay wax kala iibsadaan lacag dhan 1,000 Doolarka Mareykanka ah bishii afar jeer, iyadoo lagu saleynayo liiska badeecadaha la isku raacay.


 

Heshiiskan ayaa ka dhashay wada-xaajood laba sano socday oo looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin saqafka qiimaha ganacsiga, inta jeer ee socdaalka, iyo aagagga ganacsiga xudduudaha. 

Xogta ayaa muujinaysa muhiimadda uu leeyahay xidhiidhka ganacsi ee u dhexeeya Kenya iyo Itoobiya ayaa tilmaamaya in sannadkii 2023-kii ay Itoobiya ahayd dalka ugu badan ee Kiinya wax looga dhoofiyo ee Bariga Afrika. 

Kiinya waxa ay ka heshay 86.2 milyan oo dollar badeecadaha ay u dhoofiso Itoobiya, halka Itoobiya laga keeno Kiinya ay u badan yihiin Bunka, Shaaha, Xoolaha Nool, iyo Saliida, taas oo gaadhaysa 36.7 milyan oo doolarka maraykanka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015