Madal dhir-beerista saaxiibtinimada Itoobiya-Pakistan ayaa la qabtay

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 13/2017 (ENA): Xaflad dhir-beeris ah oo loogu magac daray Dhir-beerista Saaxiibtinimada Itoobiya-Pakistan ayaa lagu qabtay Jaamacadda Sialkot, halkaasoo uu goobjoog ka ahaa Safiirka Itoobiya ee Pakistan, Jamaal Beker (PhD).

War kasoo baxay safaaradda ayaa tilmaamaya in in ka badan 1,000 arday iyo xubno ka tirsan bulshada waxbarashada sare ee dalkaasi ay ka qaybqaateen munaasabadda.


 

Danjire Jamaal (Dr.) ayaa munaasabadda ka sheegay in barnaamijka dhir-beerista ee Itoobiya ay waday sanadadii la soo dhaafay uu tusaale fiican u yahay la dagaalanka isbedelka cimilada.

Waxa uu sidoo kale xusay in Itoobiya ay la shaqeyso hay’adaha Pakistan si ay ugu faafiso khibraddeeda dhanka la dagaalanka isbedelka cimilada.


 

Danjiruhu waxa uu sheegay in lixdii sano ee la soo dhaafay, Itoobiya ay beertay in ka badan 40 bilyan oo geed, taasoo qayb ka ah dadaallada wax looga qabanayo isbedelka cimilada.

Barnaamijkani waxa uu horseeday kobcinta deegaanka, ballaarinta kaymaha, iyo abuurista fursado shaqo oo ballaaran, gaar ahaan dhanka beeraha.


 

Ugu dambeyntii, dhir-beerista saaxiibtinimada ayaa lagu sheegay in ay fursad u tahay xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada dal, iyadoo la mideynayo dadaallada lagu ilaalinayo deegaanka iyo hawada.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015