Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya ayaa sheegtay inay gaartay himiladii 2025 ee tirada diyaaradaha iyo garoomada – Mesfin Taasew - ENA Af-Soomaali
Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya ayaa sheegtay inay gaartay himiladii 2025 ee tirada diyaaradaha iyo garoomada – Mesfin Taasew

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 14/2017 (ENA): Maareeyaha guud ee Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya, Mesfin Taasew, ayaa sheegay in shirkaddu ay durba gaartay yoolkii 2025 ee la xiriiray tirada diyaaradaha iyo garoomada ay ka degto.
Mesfin ayaa arrintan kaga hadlay barnaamijka BBC Focus on Africa isagoo wareysi siiyay Jewell Kiryungi.
Intii uu wareysiga socday, wuxuu muujiyay in shirkaddu ay horey u xaqiijisay qorshihii 2025 ee korodhka diyaaradaha iyo garoomada ay shirkaddu ka degto.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya ay sanad-miisaaniyadeedka 2023/24 ka heshay dakhli dhan 7 bilyan oo doolar, isla markaana la filayo in uu dakhligaasi gaaro 8 bilyan oo doolar marka la gaaro Juun 2025.
Wuxuu xusay in iskaashiga shirkaddu la leedahay Boeing ay horseeday in diyaarado cusub la helo iyadoo la marayo habka lagu beddelanayo qalabka diyaaradaha, halkii laga iibsan lahaa kuwo cusub.
Mudane Mesfin ayaa sidoo kale tilmaamay dadaalka shirkaddu ugu jirto in la ballaariyo awoodda iyo adeegyada ay bixiso.
Wuxuu intaa ku daray in shirkaddu ay qorshaynayso dhismaha garoon caalami ah oo weyn oo ku yaalla Afrika, si ay uga jawaabto baahida sii kordheysa ee qaybta duulista hawada.
Maareeyaha guud wuxuu sheegay in garoonka diyaaradaha ee Bole uu gaaray xadka ugu sarreeya ee uu qaadi karo, isagoo xusay in awoodda sannadlaha ah ee qaadista rakaabka ay haatan tahay 25 milyan.
Ugu dambayntii, dhismaha garoon cusub ayuu ku sifeeyay mid lagama maarmaan u ah daboolista baahida sii kordhaysa ee qaybta duulista hawada.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
#Shirkadda_Diyaaradaha_Itoobiya