Shirka Ganacsiga iyo Maalgelinta Itoobiya–Sacuudi Carabiya oo ka furmay Riyaad

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 14/2017 (ENA): Shirka ganacsiga iyo maalgelinta ee u dhexeeya Itoobiya iyo Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Riyaad.

Shirkan waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin sare oo labada dal ka kala socda, madaxda ganacsiga iyo xubno ka tirsan bulshada ganacsatada.

Sidoo kale, shir wadareedka Golaha Ganacsiga ee Itoobiya–Sacuudi Carabiya ayaa lagu qabtay magaalada Riyaad.

Shirkan waxaa si wadajir ah u guddoomiyey Dr. Xasan Cabdullaahi, Guddoomiyaha Golaha Ganacsiga ee Itoobiya iyo Cabdalla Al-Ajaami, Guddoomiyaha Golaha Ganacsiga ee Sacuudiga.


 

Intii lagu guda jiray wadahadalka, waxaa la carrabaabay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga taariikhiga ah ee labada dal gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha.

Shirkan ayaa loo arkaa inuu furo wejigii cusub ee iskaashiga dhaqaale iyo xiriirka istiraatiijiga ah ee labada waddan.

Sida ay sheegtay safaaradda Itoobiya ee Riyaad, labada dhinac ayaa heshiis ku gaaray inay si wadajir ah uga shaqeeyaan dhinacyada ganacsiga iyo maalgelinta, gaar ahaan warshadaha wax-soo-saarka, beeraha, macdanta, dalxiiska iyo dhismaha.

#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015