Mashruuca Biyaha Nadiifka ah ee Kuurmuk oo ka hirgalay gobolka Benishaangul-Gumuz - ENA Af-Soomaali
Mashruuca Biyaha Nadiifka ah ee Kuurmuk oo ka hirgalay gobolka Benishaangul-Gumuz

Kuurmuk, Duugato/ Miyaasiya 14/2017 (ENA): Mashruuca biyaha nadiifka ah ee laga hirgeliyey degmada Kuurmuk ee deegaanka Benishaangul-Gumus, kaas oo ay ku baxday in ka badan 299 milyan oo birr, ayaa si rasmi ah loo xadhigjaray.
Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Itoobiya Dr. Inj. Habtamu Itefa iyo Madaxweynaha Deegaanka Benishaangul-Gumus , Ashaadle Xasan iyo masuuliyiin sare oo kale ayaa xadhiga ka jaray mashruuca.
Mashruucan biyaha nadiifta ah ayaa la filayaa inay ka faa’iideystaan in ka badan 15,000 oo qof oo ku nool lix ka mid ah xaafadaha degmada.
Ugu dambayntii, Mashruuca oo leh afar ceelal dhaa-dheer ayaa lagu qiyaasay inuu adeeg biyo nadiif ah siin doono bulshada muddo 20 sano ah.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya