Roobab waxtar leh ayaa la saadaaliyay in ay ka da'aan deegaanada muhiimka u ah xilliga gu'ga

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 14/2017 (ENA): Machadka Saadaasha Hawada ee Itoobiya ayaa shaaciyey in sawirrada saadaasha hawada ee roob bixinaya tobanka maalmood ee soo socda ay muujinayaan in roobabku uu sii socon doono, isla markaana ay ka da’i doonaan inta badan deegaanada dalka ee waxtarka u leh xilliga gu’ga.

Machadku waxa uu arrintan ku sheegay warbixin uu ku faafiyey saadaasha cimilada ee muddada u dhaxaysa Duugato/Miyaasiya 13 ilaa 22, sanadkan 2017 T.I., Warbixintaas ayaa lagu xusay in sawirrada saadaasha hawada ee tobanka maalmood ee soo socda ay muujinayaan sii socoshada roobabka xilliga gu’ga ee muhiimka u ah nolosha bulshada iyo wax-soo-saarka dalka.

Si kastaba ha ahaatee, machadku waxa uu intaa ku daray in maalmo kala go'an ay jiri doonaan cimilo qalalan.

Warbixintu waxa kale oo ay tilmaantay in daruuro farabadan laga filayo koonfurta, koonfur-galbeed, galbeedka, bariga iyo dooxada Rifty-ka ee dalka.

Sidaa darteed, waxaa la filayaa in deegaanada ku yaalla dhul-beereedka xilliga gu’ga ay heli doonaan roobab fudud oo dabooli doona qaybo badan oo dhulkooda ah, sida uu sheegay machadka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015