Itoobiya iyo Guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay in ay iska kaashan doonaan sidii codka Afrika looga maqli lahaa Shirka Isbeddelka Cimilada

Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 13/2017 (ENA): Itoobiya iyo Guddiga Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay inay iska kaashan doonaan sidii codka Qaaradda Afrika looga maqli lahaa shirka labaad ee isbedelka Cimilada Afrika.

Labada dhinac ayaa yeeshay kulan ay dib u eegis ugu sameynayaan howlaha socda si loogu diyaar garoobo shirka isbeddelka cimillada ee ka furmaya Itoobiya.

Intii ay socotay dooddu waxay Itoobiya iyo guddigu is waydaarsadeen fikrado ku saabsan diyaargarowga istiraatijiyadeed ee shirka.

Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta ayaa tilmaamtay in uu socdo diyaar garowga lagama maarmaanka u ah in la xaqiijiyo in shirka labaad ee isbedelka Cimilada Afrika uu yahay dhacdo xal waara u heli doonta caqabadaha isbedalka cimilada ee qaaradda.


 

Dawladda Itoobiya iyo guddiga Midowga Afrika ayaa ka wada shaqeynaya sidii shir madaxeedka uu u yeelan lahaa doodo dhaxal gal ah oo wax badan ka bedeli kara.

Sida lagu sheegay xogta wasaaradda, shirkan ayaa diiradda lagu saaray sidii codka Afrika loo maqli lahaa iyo in la abuuro madal lagu dhisayo u adkaysiga isbeddelka cimilada iyo dajinta istaraatiijiyad lagu xaqiijinayo horumar waara.

Shirkii labaad ee isbedelka Cimilada Afrika ayaa lagu qaban doonaa Addis Ababa bisha Kooxdin/Maskaram 2018 T.I.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015