Qorshayaal lagu casriyaynayo Magaalada Jigjiga ayaa la soo bandhigay

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 14/2017 (ENA): Madaxweyne ku-xigeenka Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Ibraahim Cusmaan, ayaa dhageystay warbixinno muhiim ah oo ay soo jeediyeen shirkadaha Skylink Technologies iyo Softvally Technology PLC. 


 

Warbixinnadaasi ayaa ku saabsanayd barnaamijyo tignoolajiyadeed oo ay shirkaduhu hadda ka hirgeliyeen Ismaamulka Diridhabe, iyo sidii barnaamijyadan oo kale looga hirgelin lahaa magaalada Jigjiga si ay u noqoto magaalo casri ah.


 

Iyada oo la tixraacayo dib u dhiska iyo horumarinta waddooyinka ee magaalada ka socda, waxaa la isku raacay in lagu daro barnaamijyo casriyayn ah oo looga gudbayo nidaamkii hore, si caasimadda Jigjiga ay uga mid noqoto magaalooyinka waaweyn ee ku horumaray dhinaca tiknoolajiyada casriga ah.


 

Kulankan ayaa u gogol xaadhaya qorsheyaasha lagu horumarinayo magaalada, si loo xaqiijiyo kor u qaadista adeegyada, maamulka, iyo hab-nololeedka dadweynaha iyadoo la adeegsanayo xalal dijitaal ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015