Wafti Heer Sare oo uu Hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide ayaa ka Qaybgalaya Shirwaynaha Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo IMF - ENA Af-Soomaali
Wafti Heer Sare oo uu Hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide ayaa ka Qaybgalaya Shirwaynaha Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo IMF

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 14/2017 (ENA): Wafti heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Mudane Axmed Shide ayaa ka qaybgalaya shirwaynaha 2025-ka ee ay wadajir u qabanayaan Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF).
Waftiga Itoobiya ayaa ku sugan magaalada Washington D.C. ee dalka Mareykanka ayaa si balaadhan uga qaybgalaya shirkan muhiimka ah.
Wasiir Axmed Shide waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Lacagta Adduunka, Kristalina Georgiefa. Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga maaliyadeed iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada hay’adda ee Itoobiya.
Sidoo kale, maalintii ugu horraysay ee shirkan, waftigu waxay yeesheen wadahadallo miro-dhal ah oo ay la yeesheen masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF).
Waftiga uu hoggaaminayo Wasiir Axmed Shide waxaa sidoo kale ka mid ah Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Itoobiya Mudane Mamo Mihretu, Wakiilka Gaarka ah ee Ra’iisul Wasaaraha Mudane Teklewold Atnafu, Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Dr. Eyob Tekalign, iyo mas’uuliyiin kale oo sare.