Shirkado Itoobiyaan ah oo ka Qaybgalaya Bandhigga Caalamiga ah ee Ganacsiga ee ka socda Bulawayo, Zimbabwe

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 14/2017 (ENA): Shirkado ka socda Itoobiya ayaa ka qaybgalaya bandhigga 65-aad ee caalamiga ah ee ganacsiga oo ka socda magaalada Bulawayo ee dalka Zimbabwe.

Bandhiggan waxaa si firfircoon uga qaybqaadanaya shirkadda Ethiopian Airlines Group iyo shirkado kale oo ku howlan farsamaynta wax-soo-saarka dhinaca beeraha.


 

Shirkadahan waxay sidoo kale ka qaybgalayaan barnaamijyo is-dhaafsi iyo wadatashi ah oo lagu qabanyo hareeraha bandhigga.

Safaaradda Itoobiya ee Harare ayaa sheegtay inay si buuxda u garab taagan tahay ka qaybgalka ganacsatada Itoobiya si ay u sameeyaan xiriirro ganacsi iyo is-weydaarsi khibradeed oo miro-dhal ah.

Bandhiggan caalamiga ah ee ganacsiga ayaa furmay shalay, wuxuuna socon doonaa ilaa 18-ka bisha May 2025.

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015