Tartanka Ciyaaraha ee Ururka Midowga Taliyayaasha Booliiska Bariga Afrika ayaa Furmi Doona Axadda Soo Socota - ENA Af-Soomaali
Tartanka Ciyaaraha ee Ururka Midowga Taliyayaasha Booliiska Bariga Afrika ayaa Furmi Doona Axadda Soo Socota

Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 14, 2017 (ENA) — Tartanka 5-aad ee Ciyaaraha Ururka Midowga Taliyayaasha Booliiska Bariga Afrika (EAPCCO) ayaa lagu qaban doonaa garoonka Abebe Bikila ee magaalada Addis Ababa intii u dhaxaysa Duugato/Miyaasiya 19 ilaa 25 ka, 2017-ka.
Tartankani waxa uu qayb ka yahay xuska sannad-guurada 116-aad ee aasaaska Booliiska Itoobiya.
Ku xigeenka Taliyaha Hogaanka Horumarinta Booliska Federaalka Itoobiya Jen. Nebiyu Dhaanye, ayaa sheegay in diyaar garow ku filan la sameeyay si tartanka si uu si guul ah ugu qabsoomo.
Sidoo kale, waxa uu xusay in Booliiska Federaalka Itoobiya dhammeystireen dhamaan diyaar garowgii lagama maarmaanka u ahaa tartanka.
Dhankiisa, Kaaliyaha, Madaxa Maamulka Shaqaalaha ee hay’adda, Deribe Gabisa, ayaa sheegay in ujeeddada tartankani ay tahay in la xoojiyo is-weydaarsiga xogaha ee dalalka xubnaha ka ah, in la kordhiyo iskaashiga wadajirka ah ee lagula dagaallamayo dambiyada abaabulan ee xuduudaha ka gudba, isla markaana la sii adkeeyo wada-shaqeynta dalalka xubnaha ah.
guud ahaan tirada dalalka Bariga Afrika ee ka qeyb galaya tartankani waa toddoba dal, oo ay Itoobiya ka midtahay, waxayna ku tartami doonaan lix nooc oo ciyaaraha kamida ah.
Booliiska Federaalka Itoobiya waxa ay sidoo kale sheegeen in ciyaaraha lagu tartamayo ay kala yihiin: Oradka, Taekwondo-ga,shiishka Bartilmaameedka,Feerka iyo kubada gacanta.