Shirkii ugu horeeyay ee Madasha Duulista Itoobiya ayaa lagu qaban doonaa Addis Ababa.

Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 14/2017 (ENA):- Shirkii ugu horeeyay ee Madasha Duulista Itoobiya ayaa lagu qaban doonaa magaalada Addis Ababa 16 iyo 17ka bisha Duugato 2017. 

Madashan oo ay soo qabanqaabisay shirkadda diyaaradaha Itoobiya oo kaashanaysa hay’ado caalami ah sida Normans Aerospace iyo GFOX Aviation.

Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya ayaa la filayaa inay marti geliso madaasha duulimaadka ee ugu weynaa ee Afrika, iyadoo ay ka soo qeyb galayaan daneeyayaasha ugu waaweyn Afrika iyo caalamka.


 

Madashan ayaa lagaga wada hadlayaa sidii loo kobcin lahaa warshadaha duulista hawada ee Itoobiya iyo dar-dar gelinta horumarka qaaradda ee dhinaca duulista. Waxaana lagaga doodi doonaa, mustaqbalka duulista Afrika gaar ahaan; iyo Arrimaha kale ee la xiriira, oo ay ka mid yihiin suuqa duulista hawada Afrika, xaaladda isku xirka hawada Afrika, iyo iskaashiga duulimaadyada, ayaa sidoo kale looga hadli doonaa.

Madaxda sare ee waaxaha duulista iyo shaqsiyaad saameyn ku leh waaxda duulista Afrika iyo caalamka ayaa la filayaa inay madasha ka hadlaan.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015