Bulshada ayaa lagu boorriyay in ay qaataan tallaabooyinka taxaddarka ah si looga hortago cudurka Duumada ee ka dhalan kara xilli Roobaadka — Wasaaradda Caafimaadka - ENA Af-Soomaali
Bulshada ayaa lagu boorriyay in ay qaataan tallaabooyinka taxaddarka ah si looga hortago cudurka Duumada ee ka dhalan kara xilli Roobaadka — Wasaaradda Caafimaadka

Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 14, 2017 (ENA) — Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtah in bulshada looga baahan yahay inay qaataan tallaabooyin ka hortag ah si looga fogaado faafitaanka cudurka duumada, ee xilli roobaadka hadda socda.
Wasaaraddu waxay xustay in Maalinta Caalamiga ah ee Duumada lagu xusi doono hal-ku-dhigga: “Dardar-gelinta halganka lagula jiro Duumada iyadoo la adeegsanayo hal-abuur, maalgelin iyo dadaal mideysan”, inta u dhaxaysa miyaasiya 16 ilaa 18, 2017ka.
Ujeeddada xuska Maalinta Duumada Ayaa ah kor u qaadidda dadaallada lagu xakameynayo ee looga hortagayo duumada, xoojinta guulaha la gaaray, buuxinta farqiga jira, iyo wacyigelinta bulshada ee ku saabsan duumada.
Markii uu ka hadlayay arrintan iyo xaaladda duumada ee hadda taagan, Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka, Dr. Dereje Duguma, ayaa warbixin siiyay saxaafadda.
Dr. Dereje wuxuu hadalkiisa ku sheegay in bilihii la soo dhaafay la qaaday dadaallo badan oo lagu yareynayo faafitaanka duumada, dadaalladaasna ay horey u muujiyeen natiijooyin dhiirigelin leh.
Wuxuu xusay in sideedii bilood ee la soo dhaafay la baaray in ka badan 20 milyan oo qof, kuwaas oo laga helay duumada-na la siiyay daaweyn iyo dabagal caafimaad.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in la sameeyay kormeer ku saabsan 202 degmo oo lagu yaqaan heerka sare ee faafitaanka duumada, islamarkaana cudurkaas lagu guuleystay in lagu dhimo in ka badan kala bar meelahaasi.
Wuxuu carabka ku adkeeyay in guushan lagu gaadhay iskaashi wanaagsan oo ka dhexeeyay dawlad-deegaanada iyo daneeyayaasha.
Dr. Dereje wuxuu sidoo kale xusay in sanadkan Maalinta Duumada lagu xusi doono barnaamijyo kala duwan.
Waxaa ka mid ah xuskaas shir dood cilmiyeed ah iyo siminaar, oo ay si wadajir ah u qaban doonaan Wasaaradda Caafimaadka iyo Dowlad-deegaanka Oromiya kaas oo ka dhici doona magaalada Jimma intii u dhaxaysay miyaasiya 16 ilaa 18, 2017.
Wasiir Ku-xigeenka wuxuu sidoo kale xusay in meelaha duumada sida joogto ah looga helo guud ahaan dalka Itoobiya, ay bulshada ka qaybqaadato tallaabooyinka ka hortagga, sida in la dhaqaajiyo biyaha fadhiya iyo in la nadiifiyo deegaanka.
Wuxuu si gaar ah diiradda u saaray muhiimadda ay leedahay ka-qaybgalka bulshada xilli roobaadka, xilligaas oo halista faafitaanka duumadu kordho, isagoo ugu baaqay qof walba inuu kaalin ka qaato dadaallada ka hortagga cudurka.