Boeing ayaa Xafiiskeedii Afrika ka Furatay Addis Ababa - ENA Af-Soomaali
Boeing ayaa Xafiiskeedii Afrika ka Furatay Addis Ababa

Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 14, 2017 (ENA) — Shirkadda Boeing ayaa si rasmi ah uga furtay xafiiskeeda Afrika magaalada Addis Ababa.
Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka Dr. Alemu Sime ayaa sheegay in furitaanka xafiiska ee Boeing ee Afrika ee Addis Ababa uu yahay tallaabo muhiim ah oo dhanka hirgelinta himilada caalamiga ah ee Itoobiya ah.
Wasiirka oo ka hadlayay munaadibadii furitaanka, ayaa xusay in furitaanka xafiiskan uu muujinayo korodhka doorka Itoobiya ee dhinaca duulista caalamiga ah, isla markaana uu gacan ka geysanayo in Afrika ay noqoto qaarad isku xiran oo midaysan, si waafaqsan yoolalka caalamiga ah.
Sidoo kale waxa uu hoosta ka xarriiqay dadaallada ay Itoobiya ku ballaarinayso awooddeeda gaadiid iyo saadka, Wasiirka wuxuu tilmaamay in dalka uu diyaariyey qorshe istaraatijiyadeed oo toban sano ah, oo uu hoggaaminayo Golaha Qaranka ee Gaadiidka, kaasoo lagu casriyeeynayo gaadiidka kaas oo lagu dhimayo kharashaadka gaadiidka ee la xiriira ganacsiga, isla markaana lagu fududeynayo isku xirka qaaradda Afrika.
Xogta laga helayo Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka, ayaa tilmaamaysa in munaasibada furitaanka ay ka soo qeyb galay mudane. Kuljit Ghata-Aura oo ah Madaxweynaha Boeing ee Bariga Dhexe, Turkiga, Afrika iyo Bartamaha Aasiya; Danjiraha Mareykanka ee Itoobiya Ervin Massinga; Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Itoobiya Getachew Mengiste; Maareeyaha Guud Shirkada diyaaradaha ee Ethiopian Airlines Mesfin Tasew iyo sidoo kale masuuliyiin ka tirsan shirkadda.
#Wakaaladda_Wararka_ Itoobiya #ENA #Itoobiya